Fadeexad: Dagaalyahannada Xamaas oo Qudha ka Jaray Askar Maraykan ah oo Qayb ka ah Xasuuqa Qasa

Hargeysa (Berbera news)  Dagaalyahannada garabka millatari ee ururka Xamaas, ayaa degaanka Gaza ku dilay askar muwaadiniin Maraykan ah oo ciidanka Yuhuuda ku wehelinayey duullaanka iyo xasuuqa foosha xun ee ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Sida lagu baahiyey bogga internet-ka ee Telefishanka Al-jazeera, dagaalyahannada Guutada Al-Qassam oo ah garabka millatari ee ururka Xamaas, ayaa degaanka Gaza ku dilay 13 askari oo ciidanka Yuhuuda ka mid ah, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanku xaqiijisay in laba ka mid ah ciidanka Israa’iil laga dilay ay yihiin muwaadiniin Maraykan ah, arrintaasoo noqotay fadeexad fashilisay doorka Maraykanku ku leeyahay xasuuqa shacabka Falastiin.

Ciidanka Yuhuudda oo la ordaya askari ka dhaawacmay
Dagaalyahannada Ururka Xamaas oo hore u sheegay in ciidanka dawladda Yuhuudu u dirtay gudaha degaannada Gaza ay tahay fursad Israa’iil lagu dhadhansiinayo xannuunka geerida, ayaa habeen keliya qudha ka jaray askar Yuhuud ah oo tiradoodu dhan tahay 13 askari oo ay ku jiraan qaar haysta muwaadinimada Maraykanka, iyadoo weerarada dhinaca cirka iyo madaafiicda degaanka Gaza lagu garaacayo lagu xasuuqay dad shacab reer Falastiin ah oo tiradoodu kor u dhaaftay ilaa 508 rayid ah, dadkaas Israa’iil xasuuqday oo la ogaaday in shantii qofba mid ka mid ah yahay carruur aan waxba galabsan.
 
Warbixino Ururka Xamaas ku baahiyey warbaahinka kala duwan oo qaarkood Jamhuuriya arkay, ayaa lagu muddadii weerarrada dhinaca dhulka ah ka socday marinka Gaza ay dileen askar aad u badan oo Yuhuud ah, halka ay askari kalena maxbuus ahaan u qabsadeen, kadib markii dagaalyahannadoodu weerar xirfadaysan ku qaadeen ciidanka Yuhuuda, balse dawladda Israa’iil ayaa ku dooday in ilaa 27 askari oo qudha lagaga dilay duulaanka Gaza, kuwaasoo ay ku jiraan 7 askari oo laga dilay shalay, isla markaanna aanay waxba ka jirin in askari ciidankooda ka tirsan maxbuus ahaan loo qabsaday.
 
“Askari magaciisu yahay Shaul Aron oo ciidanka Yuhuuda ah ayaannu maxbuus ahaan u qabsanay xilli dambe ee maalintii Axadda ah, askarigaasna waannu haynaa, kuwa beeninayaana ceebtooda ayey qarinayaan, waanna run in aannu askarigaas hayno, cid kastaana sidaas u rumaystaan.” Sidaa waxa Afhayeen u hadlay garabka millatari ee ururka Xamaas, isagoo xusay in dagaalyahankoodu dhibaato iyo xannuun kulul gaadhsiiyeen ciidanka Yuhuuda.
 
Tallaabadan ayaa haddii ay run tahay, waxay noqonaysaa markii u horreeyey askari Yuhuudi ah gacanta u galo ururka Xamaas wixii ka dambeeyey sannadkii 2011, xilligaas oo daagalyahannada Falastiin qabsadeen askari magaciisu ahaa Gilad Shalit, kaasoo muddo shan sanno ah ku jiray xabsi ururka Xamaas leeyahay, balse markii dambe sannadkii 2006 xoriyadiisa loo celiyey, kadib markii lagu beddeshay ilaa 1,000 (kun) maxaabiis Falastiin ah oo jeelasha Yuhuuda ka buuxay.
 
Dawladda Israa’iil ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee ay weerarka ugu qaaday marinta Gaza ay tahay sidii loo joojin lahaa gantaalaha ururka Xamaas ku ridayo dhulkooda, isla markaana lagu burburinayo goddadka iyo marinnada dhulka hoostiisa ah ee dagaalyahannada Hamaas sida dhuumashada ah ugu gudbaan dalka Israa’iil.

Hasheeyee, qorshaas millatari ee Israa’iil ayaa u muuqda mid fashilmay, maadaama aanay ilaa hadda awood u yeelan inay joojiyaan gantaalaha Xamaas, sidoo kalena burburiyaan dariiqda dhulka hoostiisa ee ururka Xamaas, iyadoo dagaalyahanno dhulka hoostiisa ka dushay ay gudaha Israa’iil ku dileen dhawr askari oo Yuhuud ah muddadii toddobaadka ahayd ee duulaanka Gaza socday.

Waddooyinka iyo marinnada dhulka hoostiisa ee ay isticmaalaan ururka Xamaas oo qaarkood hoos u qodan yihiin ilaa 100 fuudh (30 mitir), ayaa noqday qaar ay adag tahay in si dhiban Israa’iil ku burburisay, maadaama ay dagtay in la ogaado, lana helo halka afkoodu ka furmo iyo goobta ay ku dhamaadaan, inkastoo millatariga Israa’iil sheegteen inay burburiyeen meelo badan oo dhulka hoostiisa ah oo ay Xamaas u adeegsato inay gudaha ugu gudbaan Israa’iil, isla markaana hubka iyo rasaaska isugu gudbiyaan.

“Way adag tahay in waddooyinka dhulka hoostiisa ah ee ururka Xamaas lagu burburiyo duqaynta dhinaca cirka, taasina waa sababta aannu u dooranay in aannu weerar dhinaca dhulka ku qaado marinka Gaza.” Sidaa waxa yidhi Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu toddobaadkan, iyadoo millatariga Yuhuudo faafiyeen inay goobo badan oo dhulka hoostiisa ah burburiyeen, waxayna soo bandhigeen sawirro muujinaya arrintaas.

Garabka millatari ee Ururka Xamaas, guutada la yidhaah Ezzedeen al-Qassam, ayaa war ay soo saareen shalay ku sheegay in Israa’iil ka been sheegtay burburinta marinnada dhulka hoostiisa ah, waxayna warkooda ku yidhaahdeen; “Yuhuudu way ku fashilmeen inay heleen goddad iyo marinnada dhulka hoostiisa ah ee ururka Xamaas, sawirrada iyo muuqaalada ay faafiyeen gabi ahaanba waa wax la been-abuuray oo ay geesinimo iyo guul ku sheeganayaan, laakiin waxaan ognahay in meelo yar oo ay arkeen yihiin goddad aan marinno ahayn oo aannu dhinaca tababarka ugu tallogalnay.”

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, ayaa markii u horraysay si kulul ugu hadlay xasuuqa dawladda Yuhuudu ku hayso shacabka Falastiin, isagoo qiray in weerarrada Yuhuuda lagu dilay dad badan oo rayid ah ah.

mid ka mid ah godadka Xamaas qodatay

“Daraasiin dad rayid ah ayaa lagu dilay weerarada millatariga Israa’iil ka wado marinka Gaza, aad baan u cambaaraynayaa falkaas foosha xun,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho la xidhiidha dhibaatooyinka Falastiin iyo Israa’iil ku jooga dalalka bariga dhexe ee Carabta ah, iyadoo sidoo kalena Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqeen in xabbad-joojin degdeg ah laga hirgeliyo degaanka Gaza.

 
 
 
 
Berbera news