Kulan Dhexmaray Murrashaxa Madaxweynaha  Xisbiga  UCID iyo Hal-doorka Bulshadda Ay Isku Beesha Yihiin

Hargeysa (Berbera news) Kulan ballaadhan, ayaa Murrashaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, waxgrad iyo aqoonyahan kala duwan ku dhexmaray  ayaa xalay guri ku yaal degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.
 
 
Shirkan oo ay ka qaybgaleen ilaa 20 xubnood oo iskugu jira Madaxdhaqmeedka Subeer Awal, aqoonyahano, dhallinyaro, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad tiro badan, waxa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhago-wayne) oo ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, Xildhibaan Qabile, Xubno ka mid ah Madax-dhaqmeedka iyo Murrashaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo dhamaantood sheegay in dalku u baahan yahay badbaado, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in isbeddel siyaasi ah uu ka dhaco, xukuumadana lagu beddelo codkii markii hore lagu doortay.
 
 
 
Shirkan oo socday muddo dhawr saacadood ah, waxa lagu gorfeeyey arrimo door ah, kuwaas oo ku taxaluqa xaaladaha dalku galay iyo sdidii loo midayn lahaa siyaasiyiinta beelaha Subeer Awal, iyadoo dhamaantood dadkii halkaasi ka hadlay ay madashaasi ku iclaamiyeen inay xisbiga UCID taageeradooda siin doonaan doorashooyinka soo socda, iyadoo sidoo kale  lagu fallanqeeyey sidii dalka looga badbaadin lahaa xukuumadda KULMIYE oo masuuliyiintii kulankaas ka hadlay dhamaantood ku dhaliileen inay ku fashilantay hoggaaminta talada dalka, kuwaas oo isku qanciyey in badbaadada Somaliland ay wakhtigan ku xidhan tahay in la taageero asxaabta mucaaridka, gaar ahaan xisbiga UCID oo murrashaxiisa madaxwaynaha ay kalsooni iyo taageeraba halkaasi ugu muujiyeen.
 
Murrashaxa Madaxwaynaha UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo isagu ugu dambayn halkaas ka hadlay, ayaa Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka kale ee shirkaasi iskugu yimi uga mahadnaqay taageerada ay u muujiyeen, isagoo u ballanqaaday haddii uu talada dalka ku guulaysto inuu si caddaallad ah u hoggaamin doono oo aannu beeshiisa sad-bursiimo-na siin doonin xaq ay leeyihiina aannu ka qaadi doonin, isagoo si qoto-dheer uga waramay sababta ku kaliftay hankiisa Madaxwaynenimo, tilmaamay inaanu Somaliland u iman inuu ka shaqaysto ee uu u yimi siddii uu bulshadda Somaliland ugu hoggaamin lahaa horumar.
 
Waxa kaloo Jamaal Cali Xuseeen halkaas ka sheegay in aanay xisbi ahaan sinaba u aqbali doonin wax muddo-kordhin ah oo ay xukuumadu la timaado.
 
Ugu dambayn waxa kulankaasi lagu go’aamiyey sidii loo samayn lahaa Guddi ka kooban qaybaha bulshadda beelaha Subeer Awal oo ka shaqaysa horumarka iyo sidii siyaasiyan loogu midayn lahaa beeshaasi, isla markaana guddidaasi ayaa shaqadeeda la xusay inay noqon doonto mid isku soo dhawaysa beesha Subeer Awal iyo beelaha kale ee Somaliland.
 
Dhinaca kale, Madaxdhamqeedka, waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo dhallinyarada shirkaasi iskugu timi, ayaa u ballamay shirar kale, iyagoo isku afgartay inay ka shaqeeyaan sidii looga midho-dhalin lahaa arrimaha ay kulankoodan xalay ku fallanqeeyeen.
 
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.