Maraykanka Oo Digniin Ka Soo-saaray Amaanka Madaaradda Dalka Kenya 

Hargeysa (Berbera news) Hay’adda maamusha duulimaadyada madaniga ah ee Maraykanka (FAA) ayaa dalka Kenya ku dartay liiska dalalka halista ah ee shirkadaha duulimaadka Maraykanku aanay ka shaqayn karin.
 
Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale qayb ka ah dalalka laga digay iyadoo Soomaaliyana uu weli safka hore kaga jiro wadamada aanay suuragalka ahayn in diyaaradaha madaniga ah ee Maraykanku ay caga dhigtaan.
 
Dowladda Kenya ayaa isku dayday inay ku qanciso Maraykanka in aanay jirin wax khatar ah oo soo wajihi karta diyaaradaha kusoo degaya  gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo garoomada kale.
 
Todobadkii lasoo dhaafay oo qudha waxa qalab casri ah oo u badan nooca wax lagu baadho lagu rakibay garoomada Kenya si loo xaqiijiyo ammaanka loogana hortago khatar kasta oo ay suurogal tahay inay timaado.
 
Garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta oo ah kan ugu weyn dalka Kenya, waxaa todobaad kasta ka bixi jirey tobannaan duulimaad oo si toos ah ugu jeeda dalka Maraykanka.
 
Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.
 
Weerarkii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee tan iyo sanadkii 2011 Kenya ka dhacaa wuxuu ahaa kii lagu qaaday xaruntii laga dukaameysan jirey ee Westgate Mall bishii September ee sanadkii hore 2013. Weerarkaas oo 67 qof ay ku dhinteen tiro kale oo intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.
 

 
 
Berbera news/Hargeysa