Xisbiga UCID Oo Sheegay In Wargeyska Somalilandtoday Uu Mulkiyaddiisa Leeyahay Wasiir Xirsi

Hargeysa (Berbera news) Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis aanu ahayn Musharax u taagan Madaxtinimadda Somaliland, warkaasi uu manta baahiyay Wargeyska Somalilandtoday oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, kaas oo sheegay in Musharaxa Madaxweynaha UCID uu rajo xumo ka taagan-yahay Musharaxnimaddiisa.
 
Warsaxafadeed uu soo-saaray Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa u dhignaa sidan:-
 
“Maanta oo ay Bishu tahay 23 July ,2014, waxa Xisbiga UCID si toos u beeninayaa war aan Sal Iyo Raad toona oo uu baahiyey wargeyska SOMALILAND Today ee uu leeyahay Wasiirka Madaxtooyada dalka Xirsi Xaaji Cali Xasan kaas oo uu Daacayado Raqiis ah ku Soo Baxay Cadadkiisii Maanta
 
Wargeysku waxa uu si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Mr: Mohamed Bihi Younis noqon doono Murashaxa Madaxwenaha Xisbiga UCID ee Doorashada Soo socota, iyagoo aan wax daliil ah u ahayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen.
 
Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka JAMAL ALI HUSEIN, oo aanu Hubno in Uu So celin doono rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in Mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u so qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray
 
Xisbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega Nidaamka Silaanyo, inay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo ma dhalays ah, oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad dhaafka ee Xisbiga UCID Uu Kasbaday Wakhtiyadi u Danbeeyey
 
Waxa kale Oo jariiradan loo samaystey in lagu weeraro wasiiro ka Tirsan xukuumada iyo xisbiga KULMIYE sida Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Arimaha Debeda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye
 
Waxaa wax la,la yaabo noqotey in Xukuumadu ay ogolaato in wasiir ka mid ahi ku wareero,Wargeys (Somaliland Today ) kaas oo Lagu Naasnuujiyo Cashuurtii laga Ururiyey Danyarta iyo hooyooyinka Bacadka fadhiya Wasiirada Kale, Saxaafadda kale iyo Xisbiyada Qarankaba
 
Ugu dambayn XIsbiga UCID, waxaan si cad u cambaaraynaynaa Qormadan uu soo saaaray Wargeyska Somaliland Today ee laga naas nuujiyo Madaxtooyada, ee ah rugta ugu weyn ee laga mijo xaabiyo Saxaafada Madaxa bannaan ee dalka JSL, Xisbigu waxa dhowaan uu magacaabi doonaa guddi soo baadha Wargeyska Somaliland Today Xadigga Maaliyadeed Ee Lagu Lunsado Wargeyskaa Somaliland Today
 
 
 
 
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Yusuf Kayse C/laahi