Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Dilkii Marxuumadd Saado Cali Warsame + Sawiro

 Muqdisho (Berbera news) Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda dilkii Magaaladda Muqdisho loogu geystay Marxuumadd Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Xildhibaanadad Baarlamaanka Somaliya.
saado_2
Marxuumaddan ayaa Waxaa la sheegayaa in qof kale oo ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka oo Saado Cali Warsame la socday isaguna la dilay.
 saado_4
Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambaysay dilka xildhibaannada, iyadoo la sheegay inay dileen xildhibaanada iyo darawalkeeda rag ku hubeysnaa qoryo culus oo ku sugayay meel ku dhow hoteelka ay deggenayd ee Muqdisho.
 saado_5
 “Ciidamaddayadda gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhiabaanad Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yidhi sarkaal u hadlay Al-shabaab.
 saado_6
 Ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka baxay sanadkii 2011-ka, balse waxaa uu weli ka fuliyaa weerarro iyo dilal qorsheysan.
 saado_6
 
 
Berbera news/Muqdisho