Fanaanaddii Saado Cali Warsame Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho (Berbera news) ALLE ha u naxariistee Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee Baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
 
Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen damblay gaadhi watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaadhigii ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo ruux la socday, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.
 
Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadda, waxaana tn iyo sannadkii 2012 ka mid ahay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.
 
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka Saado Cali Warsme, waxaana hore dilalka loo geysto xildhibaannada u sheegan jirtay Al-shabaab. iyadoo xildhibaannadu ay afar ku noqonayso xildhibaannadii sannadkan lagu dilay Muqdisho. sidoo kalena laba ku noqonaysa xildhibaannadii la dilay inta lagu jiray bishan Ramadaan.
 
 
Berbera news/Hargeysa