“Sabab Maanta Muddo Kordhin Looga Sheekeeyo, Meesha Ma Taallo” Guddoomiye ku xigenka Xisbiga WADDANI

Muqdisho (Berbera news) Guddoomiye xigeenka koowaad ee  Xisbiga Axmed Muumin Seed oo maanta  Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa  ayaa sheegay  in Xisbi ahaan aanay aqbalki-doonin muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “ Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan Maalin lagu darayn Doorashada, sabab maanta looga sheekeeyo Muda kordhina meeshaba ma taalo. Annagu Waddani ahaan Diyaar uma nihin, Doorasho dib u dhacda. Runtii sabab Doorashadaasi dib ugu dhacdaana meeshaba ma taalo” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
 
Guddoomiye xigeenka Waddani waxa uu intaas ku daray “Qolyihii inaga Caawinayay Doorashada, waxyaabihii Doorashada aynu ku qabsan lahayn waa la diyaar, Somaliland wixii dhaqaale kaga xidhan ee Doorashada ku baxaya waa diyaar, Diwaan galintii Codbixiyeyaashu bisha 9-aad ayay bilaamaysaa, mudada inoo hadhayna waa Sanad. Runtii Sanadkaas waa lagaga gaadhsiin karayaa Doorasho dalka ka dhacda, runtii in laga sheekeeyo doorasho dib u dhacaysa ayaaba xaaraan ah.” Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Waddani
 
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Mida kale waxaad ogtihiin, Maanta Somaliland xaaladeedu halka ay marayso. Maaha waxay Shacabka Somaliland qaadi karaan in doorasho dib u dhacdo, waxaad ogtihiin wadamadii Jaarka aynu ahayn ee Ethiopia iyo Jabuuti Xuduudadii way xidhan yihiin, Hawadii waxa maamulaysa Somalia, mudadaas sanadka ka hadhay ayaaba Shacabka Somaliland  dirqi ku ah. Markaa Xisbi ahaan anagu in doorashada hore loo soo dhigo ayaanu dalbanaynaa ee marna ma aqbalayno dib loo dhigo doorashada” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
 
Xisbiyadda Mucaaridka ee UCID iyo WADDANI ayaa hore u sheegay in aanay aqbali-doonin muddo kordhin ay Golaha Guurtiddu u sameeyaan Xukuumadda Somaliland, iyadda oo Madaxweyne Siilaanyo uu hore u sheegay in aanu door-bidi doonin muddo kordhin loo sameeyo Xukuumaddiisa.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa