Wasiirka  Arrimaha Dibadda Oo Guul-darooyin Kala Kulmay Diblamaasiyadda Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa culays Diblamaasiyadeedd kala kulmay Siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo muddaddii uu xilka hayay uu hoos u dhacay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay wadamadda Itoobiya, Jabuuti iyo waddamo oo la saaxiibka ah Somaliland.
 
Muddadii uu Wasiirkan hayay Masuuliyadda Siyaasadda Arrimaha dibadda waxa  mugidi galay xidhiidhka wadda-shaqaynayd ee ay Somaliland la wadaagto Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo xidhay xuduuddaha la wadaagaan Somaliland.
 
Maxamed Biixi Yoonis ayaa Shaqadda Siyaasadda arrimaha kaga mashquulay Muran ka taagan biyo-gelinta Caasimadda Hargeysa, isaga oo dhawaan kulan la yeeshay Odayaal dhaqamee ka tirsan deegaanadda muranka biyo-gelinta Hargeysa ay ka tagan-tahay oo Shaqaddaasi uu masuuliyaddeedda leeyahay Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdule.
 
 
Wasiir Biixi ayaa guul-darooyinkaasi diblamaasiyadeedd ee uu kala kulmay Siyaasadda arrimaha dibadda waxay tibaaxuhu sheegayaan inuu dusha ka saaray Safiirkii Itoobiya ee Somaliland  Aadan Nuux Dhuule, kaas oo dhawaan si aan la shaacin xilka looga qaaday, waxaanay arrintani dibadda u soo baxday laba Todobaad ka hor markii uu Madaxweyne Siilaanyo safarka ku sii maray Addis-Ababa ayaa xoguhu intaas ku dareen in xilka safiirnimo laga qaado Aadan  Nuux Dhuule cadaasi uu saaray Maxamed Biixi Yoonis.
 
 
Warka ayaa intaas ku daraya in Aadan Nuux Dhuule uu caqabad ku noqaday Shaqaddiisa Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi, kaas oo la sheegay inuu sabab u ahaa in xilka laga qaado.
 
 
IMG_0076
 
Berbera news/Hargeysa.