Xukuumadda Somalia Iyo Qaramadda Midoobay Oo Cambaareeyay Dilka Xildhibaan Saado Cali

Muqdisho (Berbera news) Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia  Nick Kay ayaa ka tacsiyeeyey dilka xildhibaanad Saado Cali Warsame ay kooxo hubeysan ay maanta ugu geysteen degmada Muqdisho.
 
Mudane Cabdiweli Sheekh ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga gol-leeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Somalia. isagoo xusay in kuwa dilkan ka dambeeyay ee gacmaha dhiigga ku leh la daba-geli doono illaa caddaaladda la horkeeno.
 
“Waxaan dhammaanteen maanta ka murugaysannahay dilkan Saado Cali loogu geystay Muqdisho, kaasoo ah xad-gudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehellada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo xildhibaanad Saado ay ka dhimatay, iyadana Alle waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowso,” ayuu yidhi ra’iisul wasaare Cabdiweli.
 
Raysal-wasaaraha ayaa intaas ku daray “Saado Cali Warsame waxay ahayd xildhibaanad Qaran kana mid ah fannaaniinta ay dadku aad u jecel yihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno waddaniyad iyo dal jacayl.”
 
Sidoo kale Raysal-wasaare  Cabdiweli ayaa sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay xaq . isagoona tilmaamay inay geeriyootay xilli lagu jiro tobankii ugu dambeeyay uguna khayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.
 
Dhanka kale, ergayg Qaramda Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dilka xildhibaanad Saado Cali Warsame.
 
“Waxaan cambaareynayaa shirqoolka lagu dilay xildhibaanad Saado Cali Warsame, waxay ahayd haweeney u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri dajire Kay. “Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda Soomaaliya inay dadaal u galaan sidii kuwii dilay sharciga loo horkeeni lahaa.”
 
Ugu dambeyn, danjire Nicholas Kay ayaa wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii ay ka baxday xildhibaanad Saado Cali Warsame oo sidoo kale ahayd fannaanad weyn oo heesaheeda aad loo jecel yahay.
 
Xildhiaanad Saado iyo darawalkeedii ayaa waxaa lagu toogtay dhabarka dambe ee Hotel Ambassador oo ahaa halkii ay deggenayd, iyadoo mas’uuliyadda dilkeeda ay si rasmi ah u sheegatay  Al-shabaab ee Soomaaliya.
 
 

Berbera news/Hargeysa