“Baddee-na Markab Keliya Oo Laga Kaxaysto Ma Jiro, Ciiddanka Badda Ayaa Hawshiisii Gutay” Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha

Hargeysa (Berbera news) Taliyaha e Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, oo ka jawaabayay warar sheegayay inay dayacan yihiin Xeebaha Badda Somaliland waxa uu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Badda Somaliland.
 
Hadalka Taliyaha Xeebaha ayaa ka dambeeyay, warar warbaahintu baahisay oo sheegayay Ugaadh si Kootara baan ah looga dhoofiyo Xeebaha Somaliland. Waxa uu sheegay inaan Ciidanku meel kasta taagnayn, hase ahaatee aanay suuro gal ahayn in Kootara baan badan laga dhoofiyo badda Somaliland.
 
“ Awal hore Ciidankayguna wuu yaraa, Qalabkayaguna wuu yaraa,laakiin maanta labaduba way noo kordheen, sidaas darteed maanta oo qalabkii noo kordhay mid cusubna aanu filayno waxaan filayaa inaanu ka adag nahay Hawshayada. Mida kale idinkaa makhraati ka ah oo badda hawsheedu way fara badan tahay, waxaa ka mid ah Cadawgn Budhcad baddeedka ee Dalkan aynu jaarka nahay inagaga soo butaacay, wali ma jiro hawl gal kaliya oo u hir galay” ayuu yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan
 
Taliyuhu waxa uu intaas ku daray “ Baddeena, Markab kaliya oo la inaga kaxaystay ma jiro, Biyaheena wax laga kaxaystay ma jiraan. Waayo? Maciishadeena iyo Nolosheenu sidan ba ma ahaateen, sababtoo ah Dibadda ayaynu ku noolahay oo Dekadaasi way inaga xidhmi lahayd” ayuu yidhi Taliyuhu.
 
“Taas Macnaheedu maaha la inooma iman, ee waa la inoo yimid oo Xabsiyadeena waxaa ku jira, Boqol iyo saa’id Budhcad badeed ah, dee Ciidamada ayaa qabtay, waa la inagu soo duulay, waa la isku keen dayay, laakiinse Ciidanka Badda ayaa hawshiisii gutay, Illaahayna ku gargaaray, Dawladda iyo Ciidankuba waajibkoodii ayay ka qabsadeen. Arintaasi waa u Guul Ciidanka oo umaddaa ka markhaati ah, Caalamka ayaa Makhraati ka ah oo wali maydaan Maqal Markab hebel baa Baddeena isagoo ku soo socda laga afduubay” ayuu yidhi Taliyuhu
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa