Hay’adda Muslim aid UK Somaliland Office oo deeq raashin ah u qaybisay 330 Qoys

Hargeysa-Hay’ada Muslim aid UK Somaliland Office oo deeq raashin ah u qaybisay 330 qoys oo ka mid ah danyarta magaalada Hargiesa, gaar ahaan xaafadaha pepsiga iyo Daami, si farxadleh u walaalohood u la wadaagaan bishan ramadanka ee barakaysan.

 

Xalfad raashinkaasi lagu gudoonsiinaayo dadyowgaasi ayaa waxaa ka qaybgashay soo agaasimeen xafiiska Samo falka ee Madaxtooyada Somaliland oo ay gudoominaysay Marwo Amin Maxamuud Diiriye ayaa waxa hadalo koob kooban ka jeediyay madax iyo Mahad naqayaal ka soo jeeda IDPs-yada deeqdu gaadhay oo si baaladhan ugu mahad naqay Xafiiska samo falka Somaliland iyo Hay’ada Muslim aid ee Somaliland.

deeq1 deeq2

Agaasimaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyadda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oougu horayn xafladda loo sammeeyay qaybinta deeqda ka hadashay, ayaa  si mugleh ugu mahad naqday wadashaqaynta hufan eek a dhaxaysa iyaga iyo hay adaha khayriga ah, gaar aahna Muslim Aid oo si xilkasnimo leh noola shaqaysa

Waxa isna halkaasi ka hadlay Lataliyaha Madaxweynaha oo dhiiri geliyay wax qabadka xafiiska Madaxtooyada kuna amaanay Madaxweynha Mudane Axmed Maxamuud Siiraanyo Inuu asiibay magacaabista xafiiskan samo falka kuna booriyay camalka kheryriga ah ee ay hogaanka ka tahay.

ugu Danbaynt Waxa Halkaasi Hadal mahad naqa iyo faahfaahin koobana ka bixiyay Wakiilka Hayda Muslim Aid ee Somaliland Mr; Sidiiq Maxamuud Gahayr , bayaamiyayna Hawlaha ay muslim aid Somaliland ka wado Somaliland isla markaana carabaabay waxqabadkooda sheegayna in Mashruucan Raashin qaybinta ee Ramadaanku ( Ramadan Programme) uu ka mid yahay mashaariicda seasonal –ka ah ee Muslim Aid iyado ay barbar socdaana Mashaariic longterm ahi oo ay haydau dalka ka fulinayso sidoo kale kani waa mid ka mid ah kuwa ay ka fuliso dacalda aduunyada sida sanad laha ah iyado uu iftiimayayna ujeeddada dhabka ah ee mashruucan oo ah in si kor loogu qaado nolol maalmeedka qoysaska danyarta ah ee IDPs yda Somaliland.

Muslim aid Waa hayad relief and development organization ah fadhiisinkeedu yahay cariga ingriiska oo laamona ku leh in kabadan 74 dal, hadabada xafiiskan Somaliland oo ka mid ah xafiisyada sida joogtada ah u fuliya mashaaricda xiliyada dhow iyo xiliyada fog fog (short term and long term projects).

Xafiiska Muslim aid ee Somaliland waxa uu mashaariic wax ku oola ka fuliyaa Somaliland sida Biyaha,wax barashada, caafimaadka iyo relief projects-ka.