Kooxda Xiddigaha Geeska oo Tacsiyeeyay Fannaannadii Saado Cali

Innaa Lilaal Wa Inaa ilayhi Raajucuun

Kooxda Xiddigaha Geeska oo Tacsiyadeeyay Geerida Saado Cali Warsame

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), isagoo ku hadlaya afka kooxda Xiddigaha Geeska waxa uu Tacsi tiiraanyo leh  u dirayaa ehlada, qaraabadda iyo bahda fanka ee ay ka baxday fannaanadii Saado Cali Warsame oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia.

“Anigoo ka wakiila kooxda xidigaha geeska waxaan mar iyo laba iyo sadexba ka tacsiyadaynayaa ehelkii iyo asaxaabtii , qaraabadii iyo shacbiga soomaaliyeed ee ay ka baxday Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaalida. Waxaanan si gaara uga Tacsiyadaynayaa Bah-waynta fanka meel ay joogaanba.

Kolay saado cali warsame geeridu waxay ku soo xaatirtay wakhtigiii rabi xugmiyay- wax kale odhan maayo ee ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo Bil barakaysan ayay geeriyootay.-waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariista jano la kulansiiyo. Aamiin aammiin.”

 

Xasan Saleebaan Dhuxul

Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska