Diyaar-garowga Ay Bulshaddu Ugu Jirto Ciidda Oo Laga Dareemayo Suuq-yadda Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Bulshadda ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa tobankan maalmood ee dambeeyey Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa suuqyada magaalada Hargeysa laga dareemayaa mashquul badan iyo Cidhiidhi laga dareemayo Suuqayadda Hargeysa.

Inta badan way adagtahay in Gadiid dhex socota badhtamaha magaaladda , waxaana wadooyinka hareerahooda lagu soo camiray dhar iyo alaabooyinkii ciyaalku ku ciyaaraan, taasina waxay keentay qofkii hore gudaha suuqa usii gala isagoo khaatiyaan joogo oo daalan ka soo baxayo.

Sidoo kale, waalidiin ay hareero socdaan caruurtooddii ayaa arkaysa iyagoo dhex warwareegaya bacadleyaasha kuwaas oo raadinaya dharkii ay caruurtooda u iibin lahaayeen, waxaana mararka qaarkood arkaysa hooyo wadda ilaa shan caruur ah taas oo la cadiban faro badnida iyo sawaxanka suuqa ka haysta.

Dharka carruurta ayaa iyaguna aad u qaali ah, taas oo lagu iibinayo qiimo qaali ah. Waxaana dharkaasi lagu iibinayaa ku dhawaad $ 30 , halka ay dharka caruurtu mar walba ka qaalisan yihin kuwo dadka waaweyn.

“Surwaalka waxa la siinayaa 20 dollar, halka shaadhkana ilaa 15 dollar, kabaha laftood waxa lagu iibinayaa 25 ilaa 30 dollar, marka ciidda waxa la moodaa inay dhawrku qaali tahay, sidoo kale dharka caruurta ayaa qaali ah oo dharka hablaha waxa la siinayaa 3o dollar ilaa afartan dollar ”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka ka dadka ka ganacsadda dharka.

Maalmahan Ciidda oo kale waxa ka faa’iidda badan ka hella gaadiidka loo yaqaan Basaska ee daabula dadweynaha, kaas oo daad guranayey dadka, iyagoo ilaa kowda habeenimo shaqaynayey, isla markaana aan nasanayn.

 
Berbera news/Hargeysa