Hees Cusub oo Loo qaaday Xiddigaha Geeska

Hargeysa-(Berberanews)-Kooxda fannaaniinta Waaberi Muqdisho ayaa soo saaray hees ay u hibeeyeen Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo xaruntoodu tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo muddooyinkii u dambeeyay bulshada Soomaalidu si weyn ugu hanqal taageen Heesaha iyo Muusiga ay kooxdu soo saarto, ayaa waxaa sidoo kale Hees ammaan ah u sammaysay Wacan Muuse oo ku sugan London, taasoo ay ku luuqaynayaan.fannaaniinta Joogle Shire iyo Aamina Kuluc.

Heestan cusub ee Fannaaniinta Waaberi Muqdisho soo saartay waxay ku muujiyeen Hibada iyo Kartifa ay Xiddigaha Geesku leeyihiin iyo sida ay u shideen fankii Soomaaliyeed.