Madaarka Hargeysa Oo Ay Biyihii Roobku Fadhiisteen Iyo Rakaabkii Dhoofi Lahaa Oo Huteelo La Dejiyay

Hargeysa (Berbera news) Madaarka Cigaal Interantional Airport ee Magaaladda Hargeysa oo Dawladda Kuwait ay dib u dhiskiisa ku bixisay dhaqaale badan ayaa waxa Galabta fadhiistay biyihii Roobku ka tagay, kuwaas oo hakiyay Dadkii Rakaabka ahaa ee ka Dhoofayay Madaarka.
 
 Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in markii ay Biyuhu fadhiisteen Madaarka ay hakaddeen Duulimaadyaddii Diyaaraddaaha oo dadkii Rakaabka ahaana la dejiyay Hoteelo ku yaala Magaaladda Hargeysa, arrintaas uu muujisay sawir ah in aanay weli Wasaaradda Duulista iyo hawadda xil iska saarin arrimaha  Duulimaad-yadda Madaarka , iyadda oo aanu jirin Laydhkii habeenkii ay Diyaaradduhu ku soo fadhiisan-jireen Madaarka kuna soo fadhiisan-jireen.
 
Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ku baxay dhaqaale gaadhaya 10 Bilayn Dollar oo ay ku bixisay Dawladda Kuwait, taas oo Wasiirka Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi uu marar kala duwan ku cel-celiyay in Madaarku uu la mid yahay kuwa waddamadda adduunka ee ay ka haadaan Diyaaraddaha Caalamiga ah.
 
 
Halkan Ka Daawo Wasiirka Duulista iyo hawadda oo hore u sheegay  in Madaarka  dhismihiisu uu yahay mid caalami ah.
 
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.