Sulaaddiinta,Cuqaaha, iyo Wax-garadka Beesha(Ciise Muuse) ayaa soo saaray baaq ay si kulul ugu cambaaraynayaan dilka loo geystay Marxuum Saleebaan Maxamed Cabdi

Hargeysa(Berberanews):- Sulaaddiinta,Cuqaaha, Odayaasha iyo Wax-garadka Beessha Aadan Ciise (Ciise Muuse) ee degta Bariga magaalada Hargeyssa, ayaa soo saaray baaq ay si kulul ugu cambaaraynayaan dilka loo geystay Allah ha u naxariistee Marxuum Saleebaan Maxamed Cabdi oo ku magac-dheeraa (Saleebaan-Dubur) oo shalay Koox hubaysan Kudishay Gurigiisa, Dableydaas oo Sida la sheegay qaarkood ka tirsasnaayeen Ciidammada Millateriga iyo Booliska Qaranka Somaliland.
Dilkan ayay Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Wax-garadka Aadan Ciise Sheegeen inuu dhacay ka dib markii ay Koox hubaysan oo Saddex Gaadhi watay ay Arbacadii shalay abbaaro 2:00-dii Duhurnimo ugu tegeen guriiga Marxuumka oo ku yaallay Xaafadda Dab-lategay oo ka tirsan Sheekh Nuur oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, ka dibna ay afar Xabbadood oo ka mid ahaa rasaas ay la sheegay inay ku dhaceen, afartaa xabbadood ee ku dhacayna ay sababtay inuu u geeriyooday Marxuum Saleebaan Maxamed Cabdi oo lagu naanaysi jiray (Saleebaan-Dubur).
Nuqul ka mid ah Baaqa ay soo saareen Salaaddiinta, Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka Aadan Ciise ee Ciise Muuse oo soo gaadhay Berberanews caawa waxa uu u qornaa sidan:- “Haddaannu nahay Salaaddiinta, Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Aadan Ciise ee degta Bariga magaalada Hargeysa iyo Berbera inta u dhaxaysa, waxaannu aad iyo aad uga xunnahay, isla markaana aannu si aad ah u cambaaraynaynaa dilka foosha-xun ee ay shalay Koox Dablay ah oo illaa labaataneeyo Nin oo hubaysan oo saddex Gaadhi watay ay gurigiisas ugu geysteen Allaah ha u naxariistee Marxuum Saleebaan Maxamed Cabdi oo ku magac-dheeraa (Saleebaan-Dubur) oo ku yaalla Xaafadda la yidhaahdo Dab-lategay ee Xaafadda Sheekh Nuur oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
Kooxdaas Dablayda ah oo siday dadka goob-joogga ahi sheegeen inay ahaayeen Labaataneeyo Nin oo saddex Gaadhi wata, isla markaana hubaysan ay Abbaaro labadii Duhurnimo ee Arbacadii shalay inay gurigiisa ugu yimaaddeen rasaas ay ku fureen afar xabbadood oo ka mid ahaa ay ku dhaceen Marxuumka, sidaana uu ku geeriyooday, isla markaana way baxsadeen Raggaas oo qaarkood ay ka kala tirsanaayeen Ciidammada Booliska iyo Millateriga ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaannu annaga oo aad uga xun, isla markaana cambaaraynayna dilkaas foosha-xun ee Marxuumka gurigiisa loogu dhex-geystay Marxuum Saleebaan, waxaannu leenahay waa in Talisyada Ciidammada Qaranka iyo Booliska Somaliland ay soo qabtaan Gacan-ku-dhiiglayaasha Ciidammada ka tirsanaa iyo kuwa kale ee la socdayba ay gacanta ugu soo dhigaan sida ugu deg-degga ama dhaqsaha badan, isla markaana Sharciga u horkeenaan si dhaqso ah.
Waxaannu guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanaynaa annaga oo tixgelinayna nidaamka dawladnimada, Sharciga dalka, Qarannimada, nabadgelyada, degganaansshaha iyo wada-noolaanshaha nabadgelyada ku dhisan ee Bulshada reer Somaliland, in Dembiilayaasha gacan-ku-dhiiglayaasha ah in si dhaqso ah loo soo qabto, isla markaana sharciga iyo caddaaladda la horkeeno. Waxaannu Taliyeyaasha Booliska iyo Millateriga Somaliland mar kale ka codsanaynaa inay dadka dilkaa geystay sharciga iyo caddaaladda horkeenaan oo ay si deg-deg ah u soo qabtaan, iyada oo sidaannu warka ku hayno aan Kooxdaas labaataneeyada nin ah la qabannin marka laga reebo laba Nin oo la sheegay in Boolisku qabtay.”
Magacyada Salaaddiinta, Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka Beesha Aadan Ciise ee Baaqan soo saaray ayaa kala ah sidan hoos ku qoran:-
1- Suldaan Aadan Cawil Cilmi
2- Suldaan Cali Saleebaan Cali
3- Suldaan Cabdillaahi Dirays
4- Chief Caaqil Khadar Aadan Xasan
5- Chief Caaqil Maxamed Gurre
6- Chief Caaqil Maxamuud Siciid Muuse
7- Oday Ismaaciil Jabiye
8- Aqoonyahan Cabdi Cabdillaahi Ma-gubte
9- Oday Cali Maxamed Muuse
10- Aqoonyahan Maxamed Salebaan Yasiin
11- Aqoonyahay Maxamed Xaji Cumar
12- Oday Cali Xuseen Ciise
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.