Dhakhtar ku baaqay in Baadhis Qoto dheer lagu sameeyo Sababta Sucuudigu u soo celiyay Xoolo Berbera laga dhoofiyay

Dr. Nicmaan Cabdillaahi Rashiid

Berbera (Jam)- Dhakhtar aqoon u  leh cudurrada iyo xannaannada xoolaha oo si madaxbannaan uga shaqaysta  Berbera, lana yidhaa Dr. Nimcaan Cabdillaahi Rashiid, ayaa ku baaqay in baadhis qodo-dheer lagu sameeyo sababta keentay in xoolo nool oo ka dhoofay dekedda Berbera dib looga soo celiyo dalka Sucuudiga.

Geel iyo dekedda Berbera

Dr. Nicmaan Cabdillaahi Rashiid, ayaa qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya soo gaadhay shalay ku sheegay in xoolaha nool ee Somaliland loo aqoonsado hanti qaran, sharcigana la horgeeyo cidda ay ku caddaato inay masuul ka yihiin xoolaha laga soo celiyo dalka Sucuudiga.

 

“Anigoo tixraacaya mawduuca ku saabsan xoolaha nool ee afartii bilood ee u dambeeyey ee sannadkan si is-daba joog ah loogu soo celinayey dekedda Berbera ee wargeysyada dalku si kulul ay ugu daabacayeen boggaga hore ee joornaalada, hase yeeshee aad moodo inaan dheg loo dhigin, qaylada ganacsatada xoolaha nool kaga cabanayaan khasaaraha soo gaadhay.

Haddaba, markaynnu eegno dooda ganacsatada xoolaha, garnaqsiga dalabta leh ee Wasaaradda Xoolaha iyo hagar daamada maxjarka xoolaha ee Jaabiri, waxa muuqata in dambi qaran halkaas ka dhacay, loona baahnaa in si qoto-dheer xukuumaddu u baadho dambiga dhacay, iyadoo u xilsaaraysa guddi xeel-dheerayaal caafimaadka xoolaha oo darsa dambiga dhacay, cidda ka masuulka ah, lana horgeeyo sharciga.

Waxaan qabaa in xoolaha nool yihiin, loona aqoonsado hanti qaran (National asset), loona baahan yahay in si adag loo ilaaliyo daryeelkooda. Haddaba, su’aalaha ilaa hadda la iska waydiinayo khasaaraha ka dhashay xoolaha Sucuudigu dib ugu soo celiyey dekedda Berbera oo ay markii hore ka dhoofeen ayaa waxay yihiin sidan:

1.         Ma waxaa ka masuul ah shirkadda Jaabiri ee Maxjarka Berbera?

2.         Ma waxaa masuul ka ah dhakhaatiirta Soomaalida ee ka shaqeeya maxjarka xoolahaasi lagu baadhay, mise kuwa ajnabiga ah ee haysta meesha?

3.         Ma waxa ka masuul ah ganacsatada iyagu meesha xoolaha marsada (jeeblayaasha)?

4.         Mise waxa ka masuul ah wakiillada maxjarka Jaabiri?

5.         Mise Wasaaradda Xannaannda Xoolaha iyo shaqaalaheeda?

Markaa, madaxwayne, waxaan talo ku soo jeedinayaa in aad xoolaha oo ah waxa keliya ee imminka aynu ku noolahay in wax laga qabto si dhaqso ah, si looga hortago xayiraad lagu soo rogo dhoofka xoolaha, ka madaxweyne ahaana aad maamulkooda xooga saartid. Adiguse maxaad ku talin lahayd Madaxwayne?” ayuu Dr. Nimcaan Cabdillaahi Rashiid ku yidhi qoraalkiisa.

Xoolo nool oo isugu jira geel iyo lo’ ayaa muddooyinkii u dambeeyey dalka Sucuudigu dib ugu soo celiyey dekedda magaalada Berbera oo ay hore uga dhoofeen, arrintaasoo sababtay in khasaare xooggan soo gaadho ganacsatada kala duwan ee xoolahaas ka ganacsada.