“KULMIYE Waxa Uu Dalkii Dib Ugu Celiyay Qab-yaaladd, Dhagaxanta Ay Meel Walba Dhigeen….. Md Cabdiraxmaan Xoog

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ugu jira Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Bulshadda ku mashquulinayso waddooyin ay dhagax-dhigaan, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay kuwa aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.
 
Xildhibaanka oo ku sugan Maagaaladda Melbourne ee Dalka Australia oo xarun cusub uu ka furtay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu sheegay in dhagaxaantasi uu xusay in waddooyinka ay Xukuumadda dhigtay aanay waxba soo kordhinayn.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “KULMIYE Waxa uu Dalkii dib ugu Celiyay Qabyaaladd. Arrinku maaha Sidda Xisbiga KULMIYE meel dhagax dhig oo ka dhaqaaq, waxay dhagax-dhigeen Saylac ilaa Lughayaha, Ceel-sheekh wey ka boodeen waxay uga boodeen garan-maayee, Maydh-na wey ka boodeen . Ilaa Laas-qoray waxa la dhigay Dhagax, Dhagaxaantaa laba Boqol oo Bilayn Dollar ma dhisayso 10 Bilood-na wey u hadheen xagay ka keenayaan”
 
 
“Markaanu noqono (Somalilanad) waanu baxaynaa, waxaanu ku soo wareegaynaa Waddanka oo dhan haddii ALLE idmo Gaadhi weyn-baanu qaadanaynaa Dhagaxaantii ay dhigeen baanu ka soo ururinaynaa si aanay Dadku ugu turun-turoon. Dadka uun-ba dhagaxaan u dhigeen”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa