Masuulliyiinta rarka baddeecadaha Dekedda Berbera oo ka hadlay cabasho ka soo yeedhay Ganacsato

Berbera-(Berberanews)-Masuuliyiinta rarka badeecadaha ee Dekeda berbera ayaa manta ka jawaab cad ka bixiyay hadal kasoo yeedhay mid kamida ganacsatada Dekeda berbera badeecadaha kala soo daga oo warbaahinta qaar kamid ku qoray in tacdi ay ku sameeyeen masuuliyiinta Dekeda Berbera uqaabilsan rarka badeecaduhu.

Waxaanay masuuliyiintaas sheegeen in aanay haba yaraatee wax tacdiya kula kicin ganacsadahaa cabashada ka muujiyay iyo ganacsatada kale toona balse waxa ay waxa uu ganacsadahaasi tacdi ku sheegay ay ku macneeyeen in ay ka deked ahaan badeecadaha dekeda laga raro ee laga shakiyo in lagu dhex qariyay badeecad aan cashuurayn ay dib ubaadhaan taasina ay kamid tahay shaqada dekeda berbera cidna aanay udaba fadhiisanayn dabagalka ilaalinta cashuurta dawlada ee la lunsanayo. iyaga oo xusay in ganacsadaha hada cabanaya ay hore ugu qabteeen badeecado cashuurta dawlada lagala baxsanaayay oo lagu dhex qariyay badeecad kaloo uu ganacsaduhu cashuurtay badeecadaas hore loogala  cashuurta ayay qiimaheeda cashuureed ay kutilmaameen boqol milyan oo Somaliland shilin ah Marka laysu geeyo islamarkaana ay soo bandhigeen foomamkii Kastamka ee dib loogu soo cashuuray oo tira badan.

DSC00636

Ugu horeyn waxa arinkaasi ka hadlay Madax socodka badeecadaha dekeda Berbera Cabdillahi warsame (Cabdillahi Rakaa) sheegay in aanay Maamulka Dekedu marnaba tacdi iyo cadaadin midna kula kicin ganacsatada dalka ee cashuur bixiyayaasha ah balse ay shaqadooda uun ka qabsadaan isaga intaas kudaray in ay maalin iyo habeenba Maamulka dekeda berbera iyo shaqaaluhu heegan ugu jiraan sidii ay Ganacsatada shaqo hufan ooh agar la,aana ugu qaban lahaayeen,Tacabashada Ganacsadaha ayuu Madaxa Socodka badeecaduhu kutilmaamay mid aan waxba ka jirin oo ka hoostay ninkaas Ganacsadaha ah oo uu magaciisa ku sheegay Daahir Xuseen Xassan kana mida shaqaalaha shirkada IBCO Berbera oo iyadu badeecad aad ubadan ka cashuurta Dekeda Berbera.

DSC00641

Cabdi Xassan oo isaguna ah Madaxa Gate Cantrolka Dekeda islamarkana ah ninkii Badeecada cabashada keentay iyo kuwa hore ee cashuurta laga shubayba qabtay ayaa sheegay in ay shaqadooda uun ka qabsadeen ganacasadaha cabanaya balse aan wax dheeraada oo tacdiya lagula kicin arinkaas uu Daahir Xuseen Xassan sheegtayna yahay mid been abuura oo xaqiiqda ka fog isaga oo xusay in badeecada dib loo rogay ee uu ganacsaduhu cabashada ka keenay markii dib loo tiriyay laga helay 163 kartoon oo aan cashuurayn balse ay kusii daayeen markii dhinaca maaliyada ama kastamka laga heley lacag si khaldan ganacsadaha ugaga dhacday oo kifayn karta cashuurta 163kaas kartoon ee badeecada ah. Waxaanu intaa sii raaciyay Cabdi Xassan in maalintii badeecadan uu cabshada ka keentay ganacsaduhu la rogaayay afar ku aheyd eek a horeysay in ganacsadahan laftiisa Daahi Xuseen Xassan laga shuubay lacag dhan 9 milyan oo Somaliland shilin ah taas oo laga soo dhex saaray badeecad uu Dahir Cashuuray oo batariyo aheyd.

DSC00652

Mudo hadda laga joogo bil ayay maamulka Dekeda mid kamida ganacsatada dekeda badeecadaha kala soo daga ku qabteen badeecad cashuurta dawlada lagala baxsanaayay oo qiimaheeda cashuureed aheyd 120 milyan oo shilin Somliland ah inta badan maamulka dekeda berbera dabagal kuhaya sidii cashuurta dawladu usoo wada xeeroon lahayd khasnada dawladana ugu dhici laheyd iyada oo shaqadaasi sheegay in ay tahay mid ay qaranka uhayaan oo aanay marnaba ka caajisayn tahayna shaqadii loo igmaday.