Wafti Ka Socda Puntlnad Oo Kulan Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somalia Kaga Dalbadday In Baadhis Dhab Ah Lagu Sameeyo Dilkii Marxuumadd Saado Cali Warsame

Hargeysa (Berbera news) Wafti ka socda Puntland oo ka kooban siddeed wasiir oo ay wehlinayaan waxgarad isla deegaannadaas kasoo jeeda ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
 
Kulankan oo muddo socday ayaa qodobbadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa dilkii maalmo ka hor loogu gaystay Muqdisho fannaanadii Soomaaliyeed isla markaana ahayd xildhibaannada ALLE ha u Naxariiste Saado Cali Warsame;, iyadoo waftigu ay dalbadeen in baadhis dhab ah lagu sameeyo dilkaas.
 
“Madaxweynaha waxaan kala hadalnay in baaris dhab ah lagu sameeyo dilkii Rabbi ha-u-naxariisteee, Saado Cali, Xasan Sheekhna wuxuu noo ballan-qaaday inay ku sameyn doonaan dilkaas baaris adag,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Garaase) oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta.
 
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale madaxweynaha ay kala hadleen dil labo xildhibaan oo kasoo jeeda degaannada Puntland loogu geystay Muqdisho, kuwaaas oo kala ahaa sida uu sheegay; xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd iyo Xildhibaan Faysal.
 
Waftigan ayaa la ogayn xilliga ay booashadoodu ku eeg-tahay, balse booqashadan ayaa ka dambaysay kaddib markii maalmo ka hor Muqdisho lagu dilay xildhibaanad Saado Cali Warsame oo dilkeeda uu ka cadhayysiiyay maamulka Puntland.
 
Ma jiro hadal kulankan ku saabsan oo weli kasoo baxay xarunta madaxtooyada dalka, iyadoo kulankan uu kusoo beegmayo xilli uu Madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday Madaxda dowladda in baadhis dhab ah lagu sameeyo dilka ALLE ha u Naxariiste Marxuumad Saado Cali Warsame.
 
 
Berbera news/Hargeysa