Xiddigaha Geeska oo ka hadlay Waraysiyo ay siiyeen Telefiishanno kala duwan oo si qaldan loo turjumay

Hargeysa-(Berberanews)-Waxa isa soo tarayay Warar sheegaya in Kooxda Xidigaha geeska Laga Duubay Barnaamijyo laga baahinayo tv-yada qaranka Somalia iyo universal kuwaasi oo ah barnaamijyo qaranimada Somaliland ka soo hor jeeda.

Hadaba si aan u xaqiijino wararkaasi ayaanu la xidhiidhnay af-hayeenka kooxda xidigaha geeska Cabdirisaaq Xaamud Caydiid ( Jaylaani), si aanu xog dheeraada arintaa uga helno wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Wararka suuqa la soo galiyay-waa warar la siyaasadeeyay fanka iyo siyaasadana in la kala saaraa haboon.” Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi – “Kooxda xidigaha geesku waa koox faneed ka madaxbanaan siyaasada .dadka af iyo dhaqan wadaagta leh ee somaliduna way na wada dhagaystaan oo suugaantayadu xad ma leh laakiin qadiyadayada ayaa xad leh oo koox reer Somaliland ah ayaan nahay.

Xidigaha1

“Qarankana jiritaankiisa anagaa jecel isalamarkaana cid walba uga lexejeclo badan Markaa dadka waxaan dadkayga reer Somaliland la socodsiinayaa in ay kooxda xidigaha geeesku tahay koox qaranimada somalilandd u taagan mar kasta.”

Mr Jaylaani afhayeenka kooxda xidigaha geesku waxa uu intaa ku daray “fanaanka C/nuur alaale heesihiisa tv-yada waa laga soo daayaa oo Somalidu way dhagaystaan – laakiin dal ahaan waa fanaan reer jabuutiya oo calankiisa iyo ciidiisa ku abtirsada anaguna sidaasoo kale heesahayagu meel kasta waa laga soo daynayaa laakiin fanaaniin reer Somaliland ah ayaanu nahay ee taasi cidnaba yaanay mugdi ka galin fanka iyo siyaasadana ha la kala saaro.”