Wasaaradda Beeraha Oo Ku Baaqadday In Bulshaddu Ay Ka Faa’idaysato Xili Roobaadka

Hargeysa (Berbera news) Wasaarada beeraha Somaliland ayaa ku dhawaaqday in sanadkan roobku uu aad hoos ugu dhacay sidii caadiga ahayd, waxaana wasaarada beerahu ugu baaqday shacbiga Somaliland inay biyaha roobka hada bilawday ay is fiican uga faa’idaystaan. Waxaanay sidaas ku sheegeen war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska afhayeenka wasiirka beeraha Sacad Muuse Cabdi kaas oo u dhignaa sidan:-
 
“Waxa Farxad ah oo aynu ILAAHEY ugu Mahadnaqaynaa Raxmaadka uu Inoo shubay, iyada oo roobabkii Gu’ga ee Sanadkan la faliyey uu hoos u dhacay, isla markaana ay Xukuumadda Somaliland iyo Shacabkuba ka war warsaanaayeen in Roob yaraantaa hore keento Abaar Saamaysa bulshada. Iyada oo wadamada jaarka innala ah qaarkoodna laga dayrinayo xaaladda Abaareed oo lagu tilmaamay inay la mid tahay abaartii Geeska Afrika ka dhacday 2011-kii.
 
Somaliland ahaanna, 50% sanadkan goobihii roobka laga filayey uu hoos u dhacay, Sida ay tibaaxayso xog ururinta xafiiska Saadaasha Hawada u qaabilsan qaranku. Laakiin Maalmahan ayaa roobkii iyo raxmadiisii ILAAHEY inoo shubay. Roobabkaasi oo hoos u dhigaya Cabsidii laga qabay abaar roob yaraantu sababto.
 
Wasaaradda beeraha JSL oo ILAAHAY Uga Mahad-naqaysa Raxmaadkiisa, waxay Shacabka reer Somaliland iyo Guud ahaan Beeralayda ugu baaqeysaa in laga Faa’ideysto biyaha Roobka, Dedaalna La Muujiyo. Maadaama oo waddan kasta lagu qiimeeyo ka faa’ideysiga biyaha Roobka iyo Wax soo saarka.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa