Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Shaaciyay Inay Ciidd Tahay Beri

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed ayaa caawa shaaciyay in Maalinta Bari ah Dalka Somaliland laga waynayn doono Munaasibada Ciidal Fidriga. Waxa uu sheegay in meelo dalka ka mid ah iyo Dalal Caalamul Islaam ah laga arkay Bisha islamarkaana la Ciidi Doono.
Geesta kale dhamaan Shaqaalaha Shabakadda Caalamiga ah ee Berbera news, waxay dhamaan Umadda Muslimka ah, gaar ahaan Shacbiga Somaliland ugu Hambalyaynayaan Munaasibadda Ciddal Fidriga.
 
 
Berbera news/Hargeysa