Madaxweyne Siillaanyo Oo Salaaddii Ciidda La Tukadday Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingiriiska + Sawirro

London (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa maanta Salaaddii Ciiddal Fidriga la tukadday qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ku dhaqan Dalka Ingiriiska.
6
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska ee uu la tukadday Salaadda Ciiddal Fidriga ugu hambal-yeeyay Munaasibaddan Ciidda.
3
Waxaana hadaldiisii ka mid ahaa “Walaalayaal dhamaantiin meel kasta oo aad joogtaan reer Somaliland, waxaan idiin rajaynayaa in aad nagula Ciidaan Farxad iyo Barwaaqo, waxaanan ILAAHAY idiinka baryayaa in uu Sanadkan, Sanadkii-sa uu inagu gaadhsiiyo Bash-bash iyo Barwaaqo”
1
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee la ciidda Shacabka Somaliland ee ku dhaqan Dalka dibaddiisa.
4
7
8
11
 
 
Berbera news/London.