Madaxweyne Xigeenka oo Shacabka la Tukaday Salaadda Ciida, Baaq-na U Diray Mucaaradka

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynahah Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa Shacabka kula tukaday Salaadda Ciida Masjid Jaamacweyn ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Xigeenka oo ay Weheliyaan, Badhasaabka Gobolka, Xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo Masuuliyiin kala ayaa Shacabka la tukaday Salaadda Ciidal Fidriga.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland waxa uu Umadda Somaliland u diray Hambalyo ku aadan Ciida Barakaysan. Waxa uu Illaahay uga baryay Cimri Dherer iyo Caafimaad Qab.
“Maanta oo ay ku beegan tahay munaasabadii ciidal fidriga waxaan hanbalyo u dirayaa dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaana shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba iyo ciidamada qaranka waxaanan leeyahay hanbalyo, kuna ciida caafimaad bash bash iyo barwaaqo waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad iyo nabad qab” ayuu Yidhi Madaxweyne Xigeenku.
Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu Mucaaradka Somaliland u soo jeediyay in si Asluub leh ay u sheegaan Dhaliilaha iyo waxyaabahah ka dhiman Maamulka xilka haya “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey Iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa laynoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa ,bina aadanka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayana wax way ka qaldmi doonaan, laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.” Ayuu yidhi madaxweyne xigeenku
 
Berbera news/Hargeysa