Xamaas oo ku gacan saydhay Xabad-joojin Israel xeelad u ahayd

Gaza (Jam/w.wararka)- Ururka wax-iska-caabinta shacabka reer Falastiin ee Xamaas, ayaa diiday inay fuliyaan xabbad-joojin saacado kooban ah oo xeelad u ahayd Israa’iil xalay, kadib markii ay dhammaadeen 12 saacadood oo la hakiyey dagaalka labada dhinac shalay.

Hamas rockets

Xabbad-joojinta 12-ka saacadood oo ku koobnayd maalintii Sabtidii oo ahaa qorshe Qaramada Midoobay keentay si gargaar bani’aadanimo loo gaadhsiiyo shacabka ku go’doonsan Gaza, ayaa markii ay dhammaaday xalay fiidkii ay Israa’iil shaacisay inay ogolaatay 4-saacadood oo dheeraad ah oo lagu kordhiyo hakinta dagaalka.

Haseyeeshee, ururka Xamaas ayaa diiday in saacado dheeraad ah lagu daro xabbad-joojinta xilliga habeenkii, isla markaana waxay bilaabeen in gantaalaha ay ku dagaallamaan ku ridaan magaalooyinka Israa’iil, iyagoo ilaa saddex gantaal haleeleen xarunta maamulka Gobolka Eshkol ee Yuhuudda, inkastoo aan la sheegin in wax khasaare ahi ka dhashay.

 

Afhayeenka Xamaas oo magaciisa la yidhaa Ehab el-Xuseen, ayaa telefishanka BBC-da u xaqiijiyey inay gantaalo ku rideen Israa’iil, isagoo sababta ay u diideen xabbad-joojinta xilliga habeenimo ku sheegay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin; in aanay jirin sabab loogu danaynayo shacabka Falastiin waqtiga habeenkii ee ay tahay xeelad Israa’iil ugu diyaargaroobayso weerraro dheeraad ah iyo marka hore si buuxda Israa’iil u joojiso dagaalka, lana qaado go’doominta lagu hayo marinka Gaza.

_76549168_0efddb20-7889-4fa6-a208-33adaf2877e8

Dhinaca kale, dhimashada shacabka reer Falastiin iyo askarta Yuhuudda weerarka ku soo qaaday ayaa kor u sii kacday, waxaanna 19 maalmood oo colaaddu socotay ku nafwaayey 1,032 qof oo u badan rayid carruur iyo dumar Falastiiniyiin Yuhuuddu ku duqaysay magaalada Gaza, iyadoo 85 mayd laga soo saaray burburka guryahoodii waqtigii 12-ka saacood ee xabbad-joojintii shalay.

Dhimashada Yuhuudda ayaa maraya 42 isugu jira 39 askari iyo saddex qof oo laba shacab ah, taas oo ka dhigaysa khasaarihii ugu xumaa ee Israa’iil ka soo gaadha Falastiin abidkood, waxaanay arrintani walaac wayn ku abuurtay Yuhuudda oo weli ciidankoodu ujeeddadii ay dagaalka u bilaabeen wax natiijo ah aanay ka gaadhin.