Lamaane Somali ah oo wado London ku taal ku noolaa todobaadkii Ina dhaafay

London(Maadays)—Lamaane Somali ah ayaa mudo todobaad ah iminka ku nool meel wado ah oo ku taala magaalada London.
Lamaanahan oo aan haybtooda la shaacin ayaa la sheegey inay daganaayeen todobaadkaas kursi ku yaala wadada Tooting, gaar ahaan kasoo horjeedka TK Maxx.
Maamulka degmadaas ayaa sheegey inay isku dayeen inay lamaanahan oo ilaa alaabtoodii wata, inay ku dayeen inay u fidiyaan kaalmo ay hoy ugu gayn lahaayeen, iyagoo xataa kaashanaya jaaliyada Somali ee London, balse ay lamaanahaasi ku qacan saydheen oo ay diideen kaalmadoodii.lammaane
“Way diideen kaalmadaayadii. Sidoo kale hay’ad kasta oo kaalmo usoo bandhigtay inay u fidiyaan. Waxaanu ku sii wadi doonaa dalabka kaalmada aan u soo bandhignay in aanu ku cel celino, balse inay diidaan xaq bay u leeyihiin. Balse xaaladooda si gaar ah ayaan isha ugu hayn doonaa”, ayuu yidhi afhayeen u hadlayay degmada Wandsworth.   
Ilaa iminka lama sheegin sababta u khasabtay inay lamaanahani wadooyinka hoy ka dhigtaan.