Maamul Xumada Wakaalada Biyaha Berbera Iyo Biyo La’aan Soo Food Saartay Xafadaha Magalada

Berbera(Berberanews)-Magaalada Xebeeda Berber Waxa Mudooyinkii u Danbeyey Ka Jirtay Cabasho ah Biyo yaraan, taas o Dadweynaha ku dhaqan Xafada kale Duwan Berbera ay Si Joogta ah u Mujinayeen Dhawanahan Sida Xaafadaha Kale Duwan gaar ahaan Xafadaha Burco Sheikh,Finland.Shacabka,Wada jir Xafadaha ee Magalada Berbera ayaan Mudoyinkii ugu Dambeyey aan helin biyo ku fulin, iyadoo lagu Jiro Bilihii ugu kululaa Xagaaga e Bisha June , Jully Augst, sept
biyo-la-aan5</a
Biyo yarantan Maxa Sababey balse Matahay Mid Xalo heli karo Haddi La helo Maamul Dacad ah o Si fican u Mamulan Biyo Qaybinta Magalada Berbera , Dadweynaha kala Duwan e ku nool Xafada Magaalada Berbera aya iyagu Marwalba Waydiya Maamulka Biyaha Berbera Sababta keentay Biyo Yaranta Balse Mamulka biyaha Berbera kama Helaan Jawaab Wafiya oo ay ku qancaan Dadweynuhu
Aamusnanta Maamulka Wakaalada Biyaha iyo Biyo La’aanta Dadweynaha oo ah mid cirka isku sii shareeraysa Malinba Maalinta Kadambeysa , iyadoo Mamulku Wakalada Biyaha Berbera ay dadweynaha Markasta ku so Dalacan Bilka Biyaha Xata iyago an Biyo helin ama aaney uso Dhicin Biyihu, xoolo-berbera
Hadaba Mamul Xumada wakaalada biyaha ayaa ah mid aad moodeysid inay wakaalada biyaha ay sii xidhmayso iyadoo wakaalada biyaha ay lacagta u badan ka hesho Maxjarada AL jabir iyo Indho Deero,Maarakibta Xoolaha Qaada, iyo doonyahay,laamahadawlada ,Xafadaha magalada Berbera Lacagto Xad dhaaf ahi ay ka soo gasho wakalada biyaha ,Balse aan Dadka Reer Berbera ku Helin biyo Kufilan iyadoo Neefkasta o Dekada ka dhoofa wakaladu Lacag ka Qaado ha Cabo ama yu Cabine , Taasina Waxay Ku tusaysa in Jirto Mamul Xume Gaamurtay oo haysata Wakalada Biyaha Berbera
Hadaba Su’aashu Waxay Tahay Waa Maxay sirta ku dugan in ay biyo heli waayan qaybo ka mid ah xafadaha magalada berbera ?
 
 
LA SOCO QAYBAHA DANBE
Sidiiq Carab Saleban
Berbera-s/land