Wasiir Cukuse Oo Masuuliyadd Uu Daayacay Dusha Ka Saaray Fanaaniinta Xiddigaha Geeska

Hargeysa (Berbera news) Kooxdda Fanaaniinta Xiddigaha geeska oo ah kuwa Heesahoodda loogu jecel-yahay dhulka Soomaalidu degto, gaar ahaan Somaliland ayaa Barnaamij uu Magaalada Hargeysa kaga duubay Tv-ga qaranka Somaliya uu Wasiirka Warfafinta Cabdilaahi Cukuse waxa uu ku sheegay inay dhaawac gaadhsiiyeen qaranimadda Somaliland, isaga oo ku tiiraabay weedho uu iskaga dambabasayo dhaliilaha dul-hooganaya Wasaaraddiisa ee salka ku haya dhex-dhexaadnimo la’aanta ka muuqata Nidaamka ay Qaybaha wartabinta Wasaaradda Warfaafintu ay ka kooban-tahay, iyadda oo Wasaaradaasi ay ka mid tahay kuwa Khilaafaddka wehelka u ah.
 
 
Wasiir Cuksue ayaa waxa kale oo uu sheegay in xidigaha Geesku ay meel kaga dhaceen sharafta Qaranimadda Somaliland, iyadda oo Bulshadda Somaliland ay xog-ogaal u tahay heesaha ay ku dheehan-yihiin Waddaniyadda ee ay Dunidda ku gaadhsiiyaan Jiritaanka Somaliland iyo sidii ay Somaliland Beesha Caalamka uga heli-lahayd Aqoonsi buuxa.
 
 
Halkan ka Daawo Wasiir Cukuse oo dhaliilaya Xidigaha Geeska.
 

 
 
Berbera news/Hargeysa