Maamulka Puntland Oo Xidhiidhkii U Jaray Dawladda Somalia Iyo Sababaha Keenay

Garoowe (Berbera news) Shir deg-deg ah oo ka dhacay fidnimadii caawa xarunta madaxtooyada Puntland ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu ku shaaciyay in Puntland ay xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya.
 
Cabdiweli Gaas oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhammaaday shir uu la qaatay golaha wasiirrada maamulkiisa wuxuu sheegay in shirka uu la xidhiidhay go’anka Puntland ee heshiiskii shalay lagu saxeexay maagalada Muqdisho, kaasoo maamul mid ah loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid baal-marsan dastuurka KMG ah ee dalka, isagoo xusay inay kasoo horjeedaan, wuxuuna dowladda faderaalka Somalia ugu baaqay inay mas’uul ka tahay waxii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas, maadaama deegaanno ka tirsan Puntland lagu daray maamulka la sameynayo.
 
Sidoo kale Cabdiweli Gaas ayaa muddo 15 cisha ah u qabtay xubnaha Puntland matala ee ku jira golayaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya inay si dhaqso ah Muqdisho uga soo baxaan.
 
Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014-ka. Markay eegtay dastuurka dlka qodobkiisa 50-aad, faqradiisa shanaad iyo lixaad. Markay aragtay dastuurka qodobkiisa 52-aad, faqradiisa labaad, xarafka (B) iyo faqradiisa saddexaad, waxay ku gaartay go’aan sidan soo socot.
 
1. Puntland waxay kasoo hor-jeeddaa heshiiskii maamulka loogu sameynayo goblolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.
 
2. Puntland waxay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha calaamka, maadaama heshiiskaas uu yahay mid khilaafsan dastuurlka KMG ah ee dalka u yaalla.
 
3. Waxay Puntland nasiib-darro u aragtaa in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka dawladda, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed.
 
4. Puntland waxay wada-tashi ugu yeeraysaa xubnaha kaga jira golayaasha dowladda dhexe ee kasoo jeeda deegaannada Puntland muddo 15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15-ka bisha Ogoosto ee soo socota.
 
5. Sidoo kale, Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka ahaa guddiga dib-u-eegista dastuurka, Caasha Geelle Diiriye.
 
6. Puntland waxay go’aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojisay wixii xiriir iyo wada-shaqayn ah ee ay la lahayd dowladda federaalka Soomaaliya.
 
7. Puntland waxay caddeyneysaa wax alla iyo wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo qaybo ka mid ah ay ka taliso Puntland ay mas‘uul ka tahay dowladda dhexe.
 
 
Halkan Ka Daawo.

 
Berbera news/Hargeysa