Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaddka Oo Ka Digay Cudurka Khatarta Ah Ee Ebola Virus Oo Lagu Arkay Waddamo Afrika Ka Tirsan

Hargeysa (Berbera news) Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Ka-xakamaynta Khataraha Degaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Mr. Maxamed Faarax Qoti, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dekedaha, madaaradda iyo Laanta Socdaalka inay ka feejignaadaan dadka u kala safra Somaliland iyo dalalka Afrika ee uu ka dillaacay cudurka hallista ah ee Ebola Virus.
 
Sarkaalkan ayaa soo-saaray qoraal, waxa uu ku sheegay in xannuunka Ebola yahay mid hallis ah oo aan wax dawo ah lahayn, isla markaana la hayn tallaal lagaga hortago, sidaa awgeedna ay waajib tahay in laga taxadaro isu socodka waddamada cuddurkaasi ka dillaacay.
epolo
“Waxaannu la socodsiinaynnaa dhammaan masuuiyiinta dekedaha, madaarrada iyo Laanta Socdaalka ee Somaliland in laga taxadaro isu-socodka dadka ka imanaya waddamada uu ku fiday cudurka halista ee Ebola Virus, maadaama illaa hadda aannu adduunka ka jirin tallaalka lagula tacaalo ama lagaga hortago cudurka Eboala Virus “EVV,” sidaa daraadeed maadaama aynnu nahay waddamada soo koraya waa in laga taxadiro dhinaca isu-socodka dadka ka imanaya waddamada cudurkaasi ku faafay inay yimaaddaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
epolo1
Hadda sida aynnu wada ogsoonahay waxa la xaqiijiyey inay u dhinteen 672 qof oo ka soo kala jeeday waddamada Guinea, Nigeria iyo Sierra Leone. Tirada guud ee uu aafeeyey waxa lagu qiyaasay ilaa 1,200 oo qof horraantii bishii labaad ee sannadkan.
 
Cudurka Ebola Virus wuxuu gaadhay heerkii ugu sarreeyey, taasoo maanta adduunka oo dhami fiiro gaar ah oo ay kaga taxadirayaan sidii aannu ugu soo gudbeen cudurka Ebola virus waddamadooda dhinac isu-socodka. Dalka Nigeria ayaa walaac weyn ka muujiyey nin u dhashay dalka Liberia oo la kulmay in ka badan 30,000 qof, isagoo ninkaasina cudurka Ebola u dhintay Jimcihii toddobaadkan iyo dhakhaatiir u dhashay Mareykanka oo ka shaqeynayey cusbitaal ku yaal dalka Liberia in uu xannuunkaasi uu haleelay, dabadeedna loo dhoofiyey waddanka Mareykanka.
 
Sida hadda la xaqiijiyey nin qaba cudurka Ebola Virus oo da’diisu ahayd 20 jir ayaa la dhigay cusbitaal la yidhaa Charing Cross Hospital ee ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska toddobaadkan, iyadoo nin kale oo dhalashadiisu tahay Ingiriis oo safar ku joogay dalalka Afrikada Dhexe lagu arkay xannuunkan halista ah, lana dhigay cusbitaal ku yaal magaalada Birmingham ee isla waddanka Ingiriiska.
Sannadkii 1976-kii ayaa qaaradda Afrika lagu arkay cudurka Ebola Virus sida la sheegay, waxaanay dhimashadu gaadhay heerkii ugu sarraysay, iyadoo ay cudurkaas u dhinteen dad lagu qiyaasay 286 qof.
 
Calaamadaha cudurka Ebola Virus waxa kaloo ku weheliya xummad aad u daran, dhiigid iyo dhaawac ku yimaad hab-dhiska dareen-wadayaasha. Cdurkan markuu qofka ku dhaco waxa laga helaa dhiigga, candhuufta, kaadida iyo saxaradda. Waxa kale oo uu qofka ku keenaa caabuq jidhka ah, iyadoo lagu kala qaado taabashada qof xannuunkaas qaba oo jidhkiinu is-taabto.
 
Cudurka Ebola wuxuu khatar ku keeni karaa shaqaalaha caafimaadka, dadka la xidhiidhay amma qoyskiisa, kuwa ugaadhsatada ah ee la kulma xayawaan u dhintay. Calaamadaha guud ee lagu arko qofka cudurkani haleelay waxa ka mida sida, xummad badan, daal, xubno xannuun, madax-xannuun, cunno-xannuun oo uu la socdo matag, shuban, finan maqaarka ka soo baxa, labada kelyood iyo beerka, dhiig-bax gudeed iyo dhiig-bax dibadeed. Muddada cudurkani lagu garto waa laba iyo ilaa 21 maalmood gudahood, mana jirto illaa hadda tallaalka ka hortaga cudurka Ebola Virus (Ebola Virus Vaccine),” ayuu Mr. Qoti ku yidhi qoraalkiisa digniinta iyo baaqa ah.
 
Berbera news/Hargeysa