Maydka Berbera Dul Yaala

Berbera-(Berberanews)-Ninkan oo aan haybtiisa la aqoonsan ayaa weli maydkiisu yaala meel u dhaw MaxjarkaAljabiri ee galbeedka magaalada Berbera sida dad goob joog ahi u xaqiijiyeey Berberanews ayaa la sheegay in ninka at arkeen shaqaalaha Madaarka Berbera airport kadibna ay bileyska u yimadeen abaaro 9:30 subaxnimo balse aanay goobtas ka qaadin.

Weriye ka tirsan Berberanews oo gaadhay goobta maydku yaalo, ayaa wuxuu ka soo qaaday muuqaallada aanu halkan idiinku soo gudbinay, waxaana muuqata in ciidammada bilaysku uga caga-jiidayaan sabab aan la aqoonsan inay ka hawlgalaan qaadista maydka si baadhitano loogu sameeyo.

mmm

Arrintani waxay ceeb iyo faddeexad ku tahay Maamulka Gobolka Saaxil oo xataa garan waayay inay Muslinimmo iyo mid aadanimmo ugu gargaaraan maydka Berbera dul yaala.

Fiiro Gaara: Tifatirka Berberanews muuqaalka sawirka waxay u soo dhigtay in eheladda Marxuumku aqoonsato.

subxaan

Berberanews.com

info@berberanews.com