Shirkadda SBI Oo Soo Gabo-gabaysay Barnaamijkii Lagu Caawinayay Bulshadda Dan-yarta Ah Iyo Abaal-marino La Gudoonsiiyay Xarumaha Agoomaha Dalka Iyo Cusbitaalka Guud + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Shirkadda Waddaniga ah ee SBI ayaa maanta waxa ay magaaladda Hargeysa ku soo gabo-gabaysay Barnaamijkii ay bilawadday Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, taas oo ay ugu talo gashay in bishaasi cidii iibsata hal xabo oo sharaab ah ay u dulsaaran tahay 50 shilin oo Somalilan d shiling ah isla markaasna sadaqo loo siinayo dadka iyagu dhimirka wax ka qaba iyo xarumaha agoomaha Somaliland.
S4740011
Maamulaka Shirkadda SBI Mustafe Cismaan Geelle ayaa sharaxay Dhaqaalaha ka soo baxay Barnaamijkan, waxaanu yidhi “Lacagtii soo xarootay Bishaas Ramadaan ee loogu talo galay in la siiyo dadka baahan waxa ay noqotay $14.000 oo dollar, waxaanay Hargeysa ay heshay $5000 oo loo kala qaybin doono Cusbitaalka Dhimirka iyo Xarunta Agoomaha oo la kala siin doono min $2500, Xarunta Agoomaha ee Boorama waxa ay noqotay $2000, Xarunta Agoomaha ee Burcona waxa ay u noqotay $3000, Berbera $1300, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Puntland Min $1000” ayuu yidhi Maamulaha Shirkadda SBI Mustafe Cismaan Geelle.
 
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo dhaweeyay Barnaamijkan dhaqaalaha ka soo baxay, waxaanu xusay in Shirkadda SBI ay ALLE uga barayayaan inuu ajar ka siiyo caawimadda ay u fidiyeen Bulshadda Danyarta ah.





Halkan Ka Daawo.

Berbera news/Hargeysa