Ururka Suxufiyiinta Solja oo Magacaabay Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 5aad ee

KU: Dhammaan xubnaha ururka SOLJA

OG: Gudoomiyaha SOLJA

OG: Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA

OG: Xoghayaha guud ee SOLJA

 

 

UJ: Guddida Qabad qaabada Shirweynaha shanaad ee SOLJA (preparatory committee of SOLJA General Assembly)

 Mudanayaal, Marwoyin,

 

Gudiga fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyagga oo tixraacaya qodobka lixaad ee dastuurka Solja faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo sadexdii sanaba hal mar, islamarkaana fullinaya Qodobka Lixaad faqradihiisa C iyo Q oo ku waajibiyay hawshan. Waxaa ay shir ay maanta 30/7/2014 ku yeesheen xafiiska guud ee ururka SOLJA Hargeysa ku magacaabeen kuna ansixiyeen cod gacantaag ah guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad oo ka kooban shan xubnood.

 

Magacyada Guddida:

1.            Maxamed Ahmed Jamaca (Caloolay) SOLJA

2.            Maxamed Aw Adan Cabdi – Freelance

3.            Maxamed Siciid C/laahi -SOLJA

4.            Maxamed Xusen Jamac Geeska Afrika 

5.            Ahmed Xussen Warsame SLNTV

 

Waxaanu ka rajaynayaa xubnaha guddida qaban-qaabada ee kor ku xusani, in ay ugadan doonaan hawshan sida uu waajibiyay distoorka ururka SOLJA, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

 

Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.

Hawl-maalmeedka Guddida Qaban-qaabada shirweyaha 5aad ee SOLJA

 

1.    Guddida qaban-qaabadu waxay mas’uul ka tahay dhammaan hawlaha la xidhiidha qabsoomidda, iyo Habsami u socodka shirweynaha

 

2.    Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoon

 

3.    In ay fidiyaan martiqaadka ergooyinka rasmiga ah iyo goob-joogayaasha shirka

 

4.    In ay magacaabaan SHARCI YAQAAN soo naaqisha iyo talo bixina ka keeno dastuurka ururka SOLJA, Shirweynaha ka Hor.