“Anagu Odhan Mayno Madaxweynuhu Waxbaa Uu Qabaa Laakiin Golihiisa Wasiirada Ayuunba” Axmed Muumin Seed

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in ay yihiin kuwa had iyo jeer ka sheekeeya Xanuunka Madaxweynaha Somaliland,waxana uu sheegay in aanay ka xisbi ahaan marnaba ka suurta galin in ay wax ka sheegaan Caafimaadka Madaxweynaha Somaliland.
 
 
Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu hadalkan ka sheegay mar u ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey Masuuliyiinta iyo taageerayaasha Qurba Joogta ah ee Xisbiga WADDANI oo ka dhacday Magaalada Hargeysa.
 
 
“Runtii waxaa waayadan danbe Saxaafada si aada ugu cusub in laga sheekeeyo caafimaadka Madaxweynaha Somaliland oo waliba ay golaha wasiiradu ka sheekeeyaan runtii ka xisbi WADDANI ahaan anaga Guddoomiyahuna muu odhan aniguna maan odhan,hogaanka xisbiga,Fulinta iyo Golaha dhexe toonana kamay soo bixin in aanu Madaxweynaha Somaliland aanu caafimaadkiisa wax ka sheegnaana Xaasha Ceeb weeyaan anagu odhan mayno madaxweynuhu waxbaa uu qabaa laakiin  Golihiisa Wasiirada ayuunba sheega in uu Xanuunsanaayo,haddii uu Xanuunsanaayo Alleh ha caafiyo waayo dalkaaba inaga khal khalaaya hadday caawa tiisa ay noqoto”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
 
 
Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md:Axmed Muumin Seed waxaa uu ugu baaqay golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo in ay u hogaansamaan hadalkii hore Madaxweyne Siilaanyo uga jeediyey ee Golaha Wakiilada kaasi oo ahaa in aanu maalina ku darsanayn muddo Xilleeda uu sharcigu u ogal yahay,waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay ka xisbi ahaan ay si aada ugu qanacsan yihiin hadalkaa Madaxweynuhu ka horjeediyey Golaha Baarlamaanka Somaliland.
 
 
“Anagu waxaanu ka Xisbi WADDANI ahaan aanu qiraynaa oo aanu aamin sanahay hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland ee uu Golaha Baarlamaanka ka horsheegay  ee ahaa in aan muddo xileedkiisa hal maalin loogu darayn runtii anagu waanu rumaysanahay in Madaxweynaha dalku run sheegayo,doorashada in uu wakhtigaas uu qabanaayo  oo aanu maalin ku darayn waanu rumaysanahay,Illaa uu isagu Istayjka soo joogsado oo uu yidhaahdo isagu hadalkii aan idhi beenbaa uu ahaayee doorashada ha lay dib dhigo illaa uu yidhaahdo waanu rumaysaynaa anagu,Golihiisa Wasiirada waxaan leeyahay oo aan odhan lahaa kulana talin lahaa in ay Madaxweynahooda ku xidhnaadaan oo ay qaataan talada madaxweynaha”Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa