Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Iftiimiyay Caqbado Hor-taagan Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay caqabadaha illaa hada horyaala qabsoomida Doorashooyinka soo-socda.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Guud ahaana dareenka dunida iyo sida aan qabo ka shacbiga reer Somalilandba maanta wax qudha ayaa la sugayaa,waxaa la sugayaana waxa weeye Xukuumada oo lays waydiinayaa goor may qabanaysaa Doorashadii,waxaan ka warqabnaa sida Xeerku uu tilmaamayo Doorashada waxaa ka horaynaysa Diiwaan galin diiwaan galintu waxa weeye waxaa la diiwaan galinayaa dadka codaynaya ee qaan gaadhka ah ee reer Somaliland arrintaasi meel wanaagsan ayaa ay soo gaadhay waa laga wada shaqeeyey laakiin laba arrimood ayaa wali ka qabyo ah ansixinta waxkabadalka iyo kaabista Xeerka Diiwaan galinta oo barigii hore Diiwaan galinta la sameeyey”
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaa lagu sameeyey faraha laakiin maanta waxaa lagu daray Indhaha markaa xeekaasi Xukuumada ayaa uu horyaala,waxaana laga sugayaa Xukumada  Xeerkaasi si ay u bilaabanto wakhtigii loogu tala galay diiwaan galinta ee ahaa bisha 9-aad xeerka haddii ay golaha u soo gudbiso si dhakhso ahna haddii ilaahay ka dhigo uu golahuna waa jibkiisii ka guto,arrinta kale waxa weeye ee ka qabyada ahi ee mujtamaca dawliga ahina inaga sugaayo arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,haddii Komishankan jooga loo kordhinaayo muddadiisa iyo haddii kale oo talo kale oo midaysan oo lagu midaysan yahay la qaadanayaba taana waxaa laga rabaa in ay Xukuumadu ay soo bandhigto.Waxaa aduunkuna rajaynayaa shacbiguna rajaynayaa in diiwaan galintu wakhtigeedii ay ku bilaabanto oo aan wax dib u dhac ahi ku imanin “.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa.