Daawo: Guddida Fulinta Ururka SOLJA Oo Xilkii Ka Qaadday Guddoomiyihii Ururka Iyo Jawaabta Uu Bixiyay Xasan Maxamed Yuusuf

Khilaafkan oo muddo dhex-miranayay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa gaadhay Meel Xaasaasi ah, isla-markaana ay Maanta Guddiga Fulinta ee Ururka SOLJA ay Xilkii Hogaanka Ururka ka qaadeen Guddoomiyihii Ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf, iyaga oo sheegay inay awooda Maamul ee Uruka ay leeyihiin Guddiga Fulintu.
 
 
Geesta kale Gudoomiyaha Uruka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo Warbaahintu wax ka weydiisay Xil ka qaadistaasi ayaa sheegay in muddo xilkeedkoodu dhamaaday, isaga oo ka hadlay magacaabista Guddida qaban-qaabadda Shiweynaha 5-aad ee labada dhinac-ba ay magacaabeen..
 
 
Khilaafkan u dhexeeya Ururka SOLJA ayaa salka ku haya Shir ay dhawaan Daladda aan dawliga ahayn ee SONSAF ay u qabatay Saxaafadda Madaxbanaan, kaas oo qayb ka mid ah Ururka SOLJA ay kala qaybgaleen , iyadda oo Dhinaca kalena ay ku tilmaameen arrin Cunaqabatayn ku ah Madaxbanaanidda Saxaafadda.
 
 
 
 Halkan ka Daawo.

Berbera news/Hargeysa