Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Mawqifkoodda Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka  Xisbiga Mucaaridk ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo Waraysi siiyay Tvga KALSAN waxa uu ku sheegay in Xisbi ahaan ay rajo fiican ka qabaan inay ku guulaystaan Hogaanka Somaliland, isaga oo xusay in isbadal horumar ku dhisan ay ka hir-halinayaan Somaliland.
 
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID mar uu ka hadlayaya Balan-qaayadda ay Siyaasiyiintu adeegsadaan Xiliyadda lagu jiro Ololaha, kuwaas oo ay Bulshadduna dhaliisho in aanay fulin, waxa ay xisbi ahaan kaga duwaanaan karaan Axsaabtii Somaliland Soo Hogamiyay.
 
Cabdirashiid Xasan Mataan oo aau weydiinay Mawqifka ay Xisbiga UCID ka qabo in mar la wadda qabto qaado Doorashooyinka  Baarlamaanka iyo madaxtooyadda iyo in la kala qaado, waxa uu ku jawaabay
 
Xisbiga Mcaaridka ah ee UCID ayaa  laba Jeero oo hore ku guuldaraystay Doorashooyikii Madaxtinimadda ee Somaliland ka Qabsoomay, isaga oo hadda lagu sameeyay isbadal dhinaca Musharaxiinta Madaxtnimadda  u tartamaya.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa