“Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Soo Baxa Wasiirka Arrimaha Gudduhu, Waxa U Ahaa Xuduudaha Xidhan Waxa Ka Dambeeya Mucaaridka” Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray)  ayaa sheegay in Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u socdaa yihiin kuwo aan waxba ka soo baxayn. Waxa uu Turkiga ku Eedeeyay inaanu dhex ka ahayn wada hadalka, islamarkaana uu Xamar hoos gaynayo Hargeysa. Waxa uu soo jeediyay in Xukumaddu iskaga baxdo wada hadaladaasi.
 
 
“Wada hadalada Turkigu, waa kuwo Madhalays ah oo Bohon ah oo Gudhan oo Galoof ah, oo Wax Alaale wax ka soo baxayaa aanay jirin. I Jiid aan ku jiideena waa gacmo daalis iyo Wakhti Lumis. Haddaanad wada hadalada Hadaf ka lahayn, wax Alle wax ka soo baxayaa ma jiro. Waanu soo jeedinay, waanuna soo jeedinaynaa waxaanu leenahay Wada hadalada Turkiga aynu iskaga Baxno haddii aynu Somaliland nahay.” Ayuu yidhi Cali Guray.
 
 
Guddoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid waxa uu sheegay inaan Xukumadda Somaliland diyaar u ahayn ka bixida wada hadalka, balse Somalia aanay dan iyo Muraad ka lahayn “ kana bixi maayaan oo waxaad Arkaysaa Somalia marna ma soo hadal qaado wada hadaladaasi, mana jecla. Qoladda ay kaga dhegan tahay, ee wad-wadaa ee aad moodo inay Xiiso gaar ah u qabto waa Somaliland. Waxaanu anagu leenahay iskaga baxa” ayuu yidhi Cali Guray.
 
 
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu sheegay inaan Turkiga iyo Xisbigiisa talada hayaa aanu Dhex ka ahayn Wada hadalka “ Waxa meesha taala Turkiga iyo Xisbigiisan hadda maamulayaa Dhex ma inoo noqon karaa ayaa meesha taala,Anagu waxaanu leenahay Maya, waxaana ka marag kacaya sida Turkigu Muqdisho u Caawiyo Hargeysa miyuu u Caawiyaa?, waa Maya.markaa Turkigu wuxuu doonayaa inuu Somaliland hoos geeyo Somalia, Caalamkana Wakiil kama aha, cida Somaliland iyo Somalia isku jiidaysaana waa inay dhex ahaato Turkiguna dhex maaha. Waxaanu leenahay Xukumadda iskaga baxa wada hadalkan wax Faa’iido ahi kuma jirtee” ayuu Mujaahid Cali Guray yidhi.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa