Afhayeen Dhuxul Iyo Kaadiriinta Madaxtooyadda Oo Is Hor-taagay Su’aalo Ay Warbaahintu Madaxweynaha Weydiinaysay

Hargeya (Berbera news) Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo ay is-hortaagay Su’aalo ay Warbaahintu doonayeen inay weydiiyaan  Madaxweyne  Siilaanyo oo maanta ka soo laabtay safar qaatay muddo ku siman saddex Todobaadd oo uu gu maqanaa Dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska ayaa waxa ku weylinayay is-hortaagaasi Su’aalaha  Wasiiru Dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees iyo Cabdiqani Askar oo ah Gacan-yaraha Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.
 
 
Dhuxul iyo Xubnahan ku wehelinayay dhacdadan ayaa markii Madaxweynuhu dhameeyay hadal kooban uu kaga warbixinayay  Safaraddiisii Ingiriiska iyo Itoobiya, waxay hal mar oo keliya ku wadda tiiraabeen weedho ay ka muuqadaan Kacaanimo, kuwaas oo ahaas sidan:-
 
 
“Su’aalo ma jiraan, Su’aalo ma jiraan Su’aalo ma jiraan” iyadda oo Madaxweynuhu-na uu dib u soo hakaday oo uu u diyaar ahaa in uu ka jawaabo Su’aasha,  markii Wariyihii u horeeyay uu yidhi “Madaxweyne Su’aal aan ku weydiiyo”
 
 
 
 Intaas ka dib waxay goobta Madaxweynuhu ku sugnaa jawigeeddu isku badalay muuqaal ay muuqatay dareenka ay Warbaahintu ay kaga xumayd talaabadda lagaga hor-istaagay waxay xaq u lahaayeen, balse Dhuxul ayaa soo dhex-galay Saxaafadda, isaga oo iska dam-babasaya, waxaanu sheegay in maanta aan Su’aalo banaanayn.
 

 
Arrintan ayaa u muuqanaysa mid soo xumaynaysa xidhiidhka Xukuumadda iyo Warbaahinta Madaxbanaan, iyadda oo Madaxtooyaddu ay ka mid tahay Goobaha Xukuumadeed ee cadaadiska ugu badani ka soo gaadho Warbaahinta madaxbanaan.
 
 
 
 
 
Halkan Ka Daawo Qaabkii Dhuxul Isku Hor-taagay Su’aalaha

 
 
Berbera news/Hargeysa