Faransiiska oo Djibouti ku tijaabiyay Diyaarado cusub oo Dagaal

Djibouti-(Berberanews)-Ciidammada Faransiiska, ayaa dhawaan dhammaystiray hawlgalo ay ku tijaabinayso Diyaarada qumaatiga u kacda oo lagu magacaabao Tiger oo ah tii  u dambaysay ee Helicopter oo ay ku tijaabinaysay gudaha Dalka Djibouti.

Diyaaraddan cusub oo loogu tallogalay hawlgallada saxaaraha ah ayaa tijaabadoodu dhacday intii u dhaxaysay 29 june ilaa 29 july, iyadoo ay taageerayaan ciidammada Faransiiska ee saldhigoodu yahay Djibouti, sida laga soo xigtay Wasiirka Difaaca Faransiiska

In ka badan 100 duulimaad ayay sammeeyeen shaqaalaha diyaaradan, iyadoo la gaadhay guushii laga doonayay hawlgalka labadan diyaaradood ee Tiger, sidoo kale tijaabada hawlgalkan waxay diyaaruduhu rideen hub noocyo kala duwan leh.

 tiger

Ujeedada laga leeyahay hawlgalkani wuxuu ahaa in nooca diyaaradda Tiger HAD ku duuli karto xaaladaha cimiladda  kulul iyo in shaqaaluhu maamuli karaan diyaaradda, oo ay soo qoraan hababkeeda gaar ah ee ay uga shaqayn karto xaaladaha adag.

 

Tijaabada diyaaraddan waxay martay saddex marxaladood; – Qaybta koowaad oo ahayd tijaabada farsamo, ta labaad oo ahayd habka hubaynta iyo ridista ee Tiger, iyo tan saddexaad oo ahayd hawlgal ay ka qqaybgaleen ciidammada Faransiiska ee Djibouti.

Heshiiska Difaac ee u dhexeeya u dhexeeya Djibouti iyo France, Ciidammada Faransiiska ee xaruntoodu tahay Djibouti, waxay bilaabeen 2011, hawlgallada caalamiga ah ee Faransiisku ka sammeeyo xeebaha bari ee Afrika.

 

 

Xuquuqda Turtumaada waxa iska leh Berberanews.com

Info@berberanews.com