“Haddii Doorasho Dhici-weydo Oo Dimuquraadiyaddii Shaqayn-weydo, Waxa Lagu Noqonayaa Shir Beeleed” Guddoomiyaha Xisbiga  UCID

Hargeysa (Berbera news( Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyay Mudo dhaafka Xileed ee Baarlamaanka iyo Xukumadda oo damacsan Mudo kordhin, taasi oo uu sheegay inay meesha ka saarayso Dimuqraadiyadii. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay Qabyaalada oo uu Xukumadda ku Eedeeyay inay ku lug leedahay
 
 
“Horta in Doorasho dhacdo oo si Sax ah u dhacdo, waa Danta Dalkeena iyo Dadkeena. Wax maanta doonaya in Doorasho dhacdana Anagoo UCID ah ayuun-baa jira, Waddani wuxuu doonayaa in Wakiiladu sii Fadhiyaan,Guurtidu inay sii fadhiday doonaysaa, Dawladduna inay sii fadhido ayay doonaysaa, Laakiin Anigu mid uunbaan sheegayaa oo haddii Doorasho dhici waydo oo Dimuqraadiyadii Shaqayn waydo waxa lagu noqonayaa Shir Beeleed, Mar haddii Wakiiladii oo 5 sano Sharci daro ku fadhiyay doonayo inuu korodhsado, oo guurtidii oo 20 sano fadhiday doonayso inay sii joogto oo Dawladdii oo wakhtigeedu dhamaanayo ay doonayso inay sii joogto waxa weeye Dimuqraadiyadii oo Baabaday iyo Shir beeleed dib loogu noqdo”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo Maanta la hadlayay warbaahinta
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Qabyaalad xuni hadda jirto Xukumadduna lug ku leedahay “wataa hadda, Habar Magaado wax la yidhaahdo ayaa socda. Dawladdu gacan bay ku leedahay Qabyaalada, iyadaa Ururisa oo tidhaahda Reer Hebelow  u jawaab Reer Hebel,laakiin Anagu haddaanu nahay Ucid kuma jiro Qabyaalada oo waanu ku Duraynaaba, laakiin way jirtaa Habar Magaado ee dadka waxaa wadaa ha joojiyaan ayaanu leenahay. Dadkan intay fagaaraha soo istaagaan Odhanaya haddaanu reer hebel nahay waa in la joojiyaa. Waa in Salaadiinta la siiyaa Tababar lagu tusayo in waxani baabi’inayso Qaranimadii” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
 
 
Berbera news/Hargeysa