Maxkamadda Ciidamadda Dawladda Somalia Oo Dil Ku Fulisay 3 Qof Oo Uu Ku Jiro Ninkii Fududeeyay Weerarkii  Bishii Ramaddaan Lagu Qaaday Madaxtooyadda Somalia + Sawirro

Muqdisho (Berbera news) Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Gashaanle-sare Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare oo la hadlay warbaahinta kaddib dil saddex dhallinyaro maanta ay maxkamaddu xukun toogasho ahaa ku fulisay, kuwaas oo mid ka ah uu ahaa fududeyayaashii weerarkii ay bishii Barkaysnayd ee Ramadaan ay Al-Shabaab ku qaaday Madaxtooyadda Somalia.
 DSC07057
 
Col. Tuur-yare ayaa intaas ku daray in hadda kaddib dhalinyaro lasoo qabto ee Al-shabaab ka tirsan iyo waalidkooba la isla toogan doono, isagoo u digay waalidiinta qarinaya caruurtooda ka tirsan Al-shabaab.
 
DSC07058
“Aabbayaasha iyo Hooyooyinka waxaan ka codsanaynaa inay soo sheegaan wiilashooda Al-shabaab ka tirsan; haddii lasoo qabto cunuggooda iyagoo aan warbixin ka keenin, waalidkana waa lala soo qabanayaa, hal mar ayaana la toogan doonaa; maxaa yeelay mas’uuliyad ayuu ku yeelanayaan dambiyada ay geysanayaan carruurtooda, taasna waa mid sharcigu qorayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.
 DSC07059
 
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xusay inay hore  ugu sheegeen waaliddiinta inay soo sheegaan carruurtooda ka mid ah Al-Shabaab, isagoo caddeeyay inay jiraan waaliddiin ay carruurtoodu yihiin Al-Shabaab oo xidhan.
 DSC07061
 
Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maxkamada ay dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab ku toogteen Muqdisho muddo bil gudaheed ah, kuwaas oo ay ku jireen kuwo dilay Gabadh Ardayad ahayd oo ay gurigeeda kala soo baxeen xilli fiid ah.
 DSC07071
DSC07072
DSC07074
DSC07097
 
 
 
 
 
Halkan Ka  Daawo.

 
Berbera news/Hargeysa