Tirada khasaaraha dhimashada ka dhashay Dugsi Israel duqaysay

BBC- Falastiiniyiinta ayaa sheegay weerar ay ku qaaday Israel iskuul Qaramada Midoobay ee koonfurta Qaza inay ku dhinteen ugu yaraan toban qof. Iskuulka ayaa wuxuu hoy u ahaa saddex kun oo rayad ah oo dagaalaka ka soo qaxay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay gantaal uu ku soo dhacay irida iskuulka xaafada Rafax. Wali war ku saabsan weerarka lagama hayo dhinaca Israel.

Xalay ciidamada Israel ayaa qaaday saddex iyo toban weerar oo cirka, wasaarada caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan soddon qof ay dhinteen.

Laba Sawaariiq ayaa lagu riday Israel. Wakiilo ka socda Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa yimid Qaahira si ay uga hadlaan xabad joojin. Israel ayaa sheegtay inaysan soo dirayn wakiilo.

israel