Waddooyinka Oo La Soo Dhoobay Dad Soo Dhaweynayay Madaxweyne Siilaanyo Sidii Dawladdii Kacaanka Iyo Sawirkii Laga Dheeh-day

Hargeysa (Berbera news) Qaar ka mid ah Waddooyinka Faras-magaalaha Caasimadda Hargeysa ayaa waxa maanta la soo tubay dad u badana haween iyo dhalinayro, kuwaas oo ujeedadda loo soo dhoobay Waddooyinka ay ka mid ahayd soo dhaweyn ay u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo laabtay Safar qaatay muddo ku siman 3 Todobaad ugu maqanaa Dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya.

 

 Madaxweynaha-oo-lagu-soo-dhaweeyay-Hargeysa

Dadkan la soo dhoobay Waddooyinka ayaa laga dheehanayay Sawir muujinayay laga dheehan-karayay  Astaamo la mid ah kuwii ay adeegsan-jirtay Dawladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre oo xiliyaddii uu safarka ku gaalaa-bixin jiray Goboladdii xiligaasi ay Xukumi-jirtay Dawladdii dhexe Kacaanku oo soo dhaweeya loo soo dhobi-jiray Waddooyinka Halbawlaha u ah Magaalooyinka.

 

Dawlada hoose ee Hargeysa iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa soo diyaariyay dad Shacab ah oo wadooyinka hareerahooda la tubay si ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha.

Wadooyinka ayaa cidhiidhi galay, iyadda oo Ciidamo kala duwan la safay, isla-markaana Gaadiidka la kala xidhay ilaa inta uu Madaxweynuhu ka soo gaadhayay Xarunta Madaxtooyadda.

 

 

Berbera news/Hargeysa.