Axsaabta Siyaasadda Iyo Guddida Doorashooyinka Oo Isla Qaatay In Lagu Guulaystay Diwaangelintii Doorashooyinka Ee Tijaabadda Ahayd

Hargeysa (Berbera news) Saddexda xisbi qaran ee Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka ayaa maanta kulan ay Warbaahintu dibad-joog ka ahay, ayaa markii kulankaasi uu dhamaaday waxa Saxaafadda uga warbixiyay Masuuliyiinta Xisbiyadda Siyaasadda, kuwaas oo sheegay in lagu guulaystay Diwaangelintii tijaabadda loo qabtay.
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sharaxay qaabka ay Guddida Doorashooyinka iskugu afgarteen Diwaangelinta, waxaanu yidhi “Asxaabta Qaranka waxaa u yeedhay Komishanka, si uu warbixin uga siiyo halkay marayso Diwaan galintii Codbixiyeyaashu, Waxaa jirtay Tijaabo Diwaan galinta ku saabsan oo la qaaday bishii 6-aad, tijaabadaasina way guulaysatay sida ay warbixinta nagu siiyeen Komishanku. Boqolkiiba Boqol ayay Guulaysatay, waxaana hadda la galayaa wixii qabyo ah ” ayuu yidhi Guddoomiye cirro.
Gudoomiyahah Xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Guddida Doorashooyinka uga mahadnaqayaan Diwaan-galinta Tijaabada ah ee ay sameeyeen. Waxa uu sheegay in hadda wixii hadhay ay ku dhiman yihiin Xukumadda iyo Golaha xeer dajinta ansaxinta xeerka Diwaan galinta.
 
 
 
Diwaangelintan ayaa bishii lixaad ee Sanadkan tijaabo ahaan looga qabtay qaybo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmadda Baki ee Gobolka Awddal.
 
 
Berbera news/Hargeysa.