Fadeexad Ka Dhalatay Wasiiro Ka Tirsan Dawladda Uganda Oo Kamaraduhu Ay Qabteen Iyagga Oo Hurdda + Sawiro

Kampala (Berbera news) Xiisad la xidhiidha gudasho la’aanta waajibaadka shaqo ee dowladda ayaa lagu soo eedeeyay xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Uganda ka dib markii la sawiray, iyagoo hurda shirar muhiim ah oo Madaxweynaha dalka Uganda uu ka khudbaynayay.

Moses Ali oo 74-sano jir ah kana mid Wasiirada Uganda ayaa kaamiraddu ay qabatay isaga o xidhan Muraayad ookiyaale madow ah ,isla-markaana ku jira hurdo macaan sida lagu qoray qaar kamid ah Wargeysyada ka soo baxa Kampala.

Arintan ayaa lagu arkay afar sano ka hor goobo uu ka hadlayay Madaxweyne Musavani, iyadoo wargaysyadu arintan cinwaan uga dhigteen qaran hurda (Sleeping Nation),taasi oo keentay in shaki laga muujiyo shaqada ay xubnahan dowladda iyo shacabkaba u hayaan.

“Markii aan ka shaqaynayay dowladda ,wax kasta si wanaagsan ayay ku socdeen, mana jirin sabab keeni karta in aan dhex-seexanno goobaha muhiimka ah “ayuu yidhi Professor Edward Kakonge oo 1986-dii wasiir ka soo noqday dowladii ugu horaysay ee Musavani uu so dhiso Waxaa loogu baaqay dowladda in fursad ay siiso dadka dhalinyarada ah si looga gudbo habac-sanaanta iyo daalka ka muuqda siyaasiyiinta da’ada ah ee mudada soo shaqaynayay sida lagu xusay Sunday Monitor.

Bishii la soo dhaafay Tv-ga NTV ayaa soo bandhigay sawir laga qaaday Madaxweyne Musavani oo hurda xilli ay socotay khudbad muhiim ah oo la xidhiidhay Miisaaniyadd Sanadeedka dowladda ,waxaana Uganda ay cadaadis badan kala kulmaysaa Saxaafadda guddaha.

Hellen Kaweesa oo ah Afhayeenka Balamanka dalkas oo la hadashay Al-azeera ayaa beenisay warar warbahinta qaar lagu daabacay oo sheegaya in Iaacadaha iyo Wagesyada aan lo ogalaan doonin in si toos ah ay u tabiyaan kal-adhiyada Dowladda Uganda.
 
 
Berbera news/Hargeysa