Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Dib U Dhigay Shirkii Golaha Dhexe

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi  ayaa sheegay in dib loo dhigay shirkii Golaha dhexe ee xisbigaasi oo lagu waday inuu maanta oo salaasa ah ka qabsoomo caasimadda Hargeysa.
 
 
War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Guddoomiyaha KULMIYE, ma uu sheegin xiliga la qaban doono shirkan markii labaad dib loo dhigay hase yeeshee waxa uu tilmaamay in dib laga soo sheegi doono xiliga iyo goobta lagu qaban doono shirkii Golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE.
 
 
Wargelinta uu soo saaray Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ku yidhi “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xiliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono.”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa