Qodobo Ka Soo Baxay Guddi Isku Xil-qaantya Khilaafka Ururk SOLJ

Hargeysa (Berbera news) Guddi ka mid ah odayaasha saxaafadda Somaliland oo isku xilqaamay xallinta khilaaf dhawaan ka dhexqarxay hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa qodobo ka soo saaray hawsha dhexdhexaadinta ee ay ku jiraan.
 

Ergada oo kulamadii u horreeyey la kala yeelatay labada dhinac ee isku khilaafsan qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA, waxay ka soo saartay saddex qodob oo hordhac u ah shaqadooda.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ergada dhexdhexaadinta  oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka guddigaasi Mr. Maxamed Cabdi Ilig, waxaannu u dhignaa sidan;

UJEEDDO: Go’aamo Hordhac ah

Guddi ka kooban odayaasha saxaafadda Somaliland oo ergo dhexdhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhexgalay  hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;

 

 

  1. Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.
  2. Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.
  3. Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.

Magacyada Guddiga:

  1. Xuseen Cali Nuur
  2. Axmed Ducaale Bullaale
  3. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)
  4. Maxamed Aw Aadan
  5. Maxamed Cabdi Ilig.”

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa