“Xukumadani Waxaa Ay Caado Ka Dhigatay Markii Ugu Horaysay ayaanu Dawlad La Kulanay…” Dr Fadal

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr: Maxamed Cismaan Fadal ayaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in caado ay ka dhigatay in ay waxba kama jiraan ku tilmaanto wax qabad yadii Xukuumadihii ka horeeyey ee dalka soo maray,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xukuumadan hada jirtaa ay ka gaabisay sii wadista Xidhiidhadii ay Xukuumadihii ka horeeyey ay la sameyeen beesha caalamka,Isaga oo tibaaxay in gabi ahaanba ay Xukuumada Siilaanyo xadhiga u jartay wadamadii xidhiidhka dhaw la lahaan jiray Dawlada Somaliland.
 
 
Dr:Maxamed Cismaan Fadal ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaara oo siiyey Geeska Afrika,waxaa uu ugu horaynba ka hadlay u jeedada safar uu muddoyinkii danbe ugu maqnaa dalka dibadiisa.
 
 
“Horta marka hore aad iyo aad ayaan idiin ku mahadnaqayaa,waana aan idin salaamaya bahda Geeska Afrika,runtiina dalka masuuliyad muhiima oo qaran ayaad dalka u haysaan,intaa marka aan ka imaado waxaan ku maqnaa dibada oo aan laba arrimoodba ugu baxay oo runtii midi waa caafimaad oo dadku marka ay yara gaboobaan dhinaca indhaha ayaa laga qabtaa,laakiin arrinta kale ee ka sii muhiim sanayd,waxaa ay ahayd in la wacyi galiyo,lala xidhiidho,la wargaliyo oo dalka iyo waayihiisa looga waramo,dadkeena qurba jooga ah oo aad iyo aad dalka horumarkiisa qayb wayn uga qaatay iyo siyaasadiisaba.Xisbiyada iyo Xukuumdubana uu waajib ka saran yahay in la wargaliyo dadkaasi,markaa meelo badan oo dunida ah ayaan soo maray,Maraykanka ayaan soo maray iyo dalal badan oo yurubta ah,waxaana aanu kala hadlaynay uun aayaheena iyo aayaha dalkeenaba”.Ayuu yidhi Dr:Maxamed Cismaan Fadal.
 
 
Dr:Maxamed Cismaan Fadal ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday in dalka ay hore u soo mareen Saddex Madaxweyne oo ka horeeyey Xukuumadan kuwaasi oo mid waliba uu kaalin ku lahaa horumarka Somaliland,waxaana uu tilmamay in dhaqanka dawladuhu uu yahay in Xukuumad waliba ay sii amba qaado waxii ay hore u dhiseen Xukuumadihii ka horeeyey.
 
 
 
“Xukuumadani waxaa ay caado ka dhigatay markii ugu horaysay ayaanu sidaa samaynay,markii ugu horaysay ayaanu dawlad la kulanay runtii waxaa ay la timi caqli ah waxba aniga igama horayninba,wax badan baana ka horeeyey,Afar Madaxweyne ayaa dalka soo maray ,Madaxweynihii ugu horeeyey ee Cabdiraxmaan Tuur baa soo maray,Madaxweyne Cigaal baa soo maray,Madaxweyne Riyaale sida oo kale,Dawladahuna dhaqankoodu waxa weeye in tii hore waxa ay dhistay ay tii kalena ka amba qaado,maaha in ay wax cusub ay doonato,markaa meesha waxa taala caqliyad ah waxii iga horeeyeyba waxba maaha,waxaa la soo duubay oo safaaradihii dhisnaa dunida oo safiirkii ugu qiimaha badnaa ee South Afrika inoo joogay ee Hindiga ahaa ee Caalamka oo dhanba laga wada yaqiinay ee aqoon yahanka ahaa ee Jaamacada dhigi jiray,dawladan Siilaanyo ayaa shaqada ka eriday oo ka joojisay ,
 
 
 
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga WADDANI Dr:Maxamed Cismaan Fadal oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxa kale oo jiri jirtay in dawladaha waawayn ee Afrika ay heer gaadhaan inbadani ay doodi ka dhextaagnayd oo ay la haayeen Somaliland ha la ictiraafo iyo Somalida ma yara eegnaa ay ku doodi jireen,waxaa kale oo jirtay Ilaa dhawr iyo labaatan Baarlamaan teriyaan oo Baarlamaanka Ingiriiska ah iyo intaas oo Aqoon yahan oo Jaamacado wax ka dhiga oo kulad dhan oo isku xidhan ah oo Dawlada Ingiriiska qawl ku haysay oo lahayd Somaliland ha la Ictiraafo,oo mar marka qaarna Wasiiro ka yeedhisay in Somaliland ay xaq uleedahay in la ictiraafo ,waxaas oo dhan Xukuumada maanta jirtaa waxaa ay ka dooratay anaga ayaa ugu horaynay anaga ayaa kan samaynay anagaadi waxaa ay abuurtay in ay waxii dhisnaa ee aynu ka dul dhisi lahayn in ay kala fur fur maan,waayo waxaa muuqata in ay dawladani ay gabtay waxii ay Karaamada ku lahaayeen dadkani ee ay ku dhiiranaayeen aanay ku dhiiran karayn,markaa dadku maanta waxaa ay arkaan in ay isbadan u baahan yihiin isbadalkaas ayaana wax soo noolayn kara”.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa